|

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Masar

sssssCaira:31-july-2013(SDN)Qaar ka mid ah kooxaha qaswadayaasha ah ee dalka Masar, ayaa Tooray qudha kaga jaray Muwaadin somaliyeed oo halkaa ku  sugnaa.

Arrinta ayaa fajaciso ku noqotay dhamaanba dadka somalida ah ee ku nool dalkaas, waxana ay badankoodu haatan u tabaabulshaysanayaan sidii ay amaankooda u ilaalin lahaayeen.

Marxuumkan dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi Jiray Xasan  Abshir oo uu can ku ahaa magaca Xasan Beydhabo,ilaa iyo iminkana ma jirto Sabab  cad oo qeexaysa waxa uu Galabsaday ee uu naftiisa ku waayey.

 

Dilka muwaadinkan Somaliyeed, ayaa waxa warbaahinta u xaqiijiyey Arday kunool dalka Masar, waxaana ay shegeen in  in ay cabsi la soo deristay ,maadaama ay in mudda ah kunoolaayeen dalkaas.

 

Somaalida ayaa xilligaan noqotay mid unugal dilka,maadaama  ay meelo badan qaxooti ku yihiin, mana laha dawlada Adag ooo dabo gal ku samaysa tacadiyadda loo gaysanayo muwaadiniinta somalida ah.

 

Xaaladda guud ee Dalka Masar ayaa maalinba maalinta ka dambaysa ka sii daraysa, waxana  haatan la gaadhay heer ay faraha isula tagaan kooxaha iska soo horjeeda ee dalkaasi.

 

Somalidiasporanews.com

Caira/egpty

Comments are closed