|

Dawladda Somaliya oo Heshiis Ilaalinta Badda iyo Tababarka Ciidanka ah la gashay Shirkad Holland laga leeyahay

marinMuqdisho:31-july-2013-(SDN)Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Muqdisho heshiis rasmi ah  kula Gashay shirkad laga leeyahay wadanka Holland taasoo ilaalin doonta badaha Soomaaliya.

 

Shirkadan oo lagu magacaabo Atlantic Marine and Offshore Group, ayaa sidoo kale loo xilsaaray tababarka ciidamadabadda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal war saxaafadeed ah oo uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Eng. C/raxmaan Yariisow.

 

Sidoo kale War saxaafadeedka madaxtooyadu soo saartay ayaa lagu sheegay in wasiirka gaashaandhiga Dawlada federaalka uu saxeexay heshiis ay dawladu la gashay shirkadda Atlantic Marine and Offshore Group oo fadhigeedu yahay wadanka Netherland.

 

Heshiiskan ayaa waxaa uu qeexayaa in dawlada Soomaaliya ay masuul ka tahay dhul badeedka EEZ iyo soo celinta Aaga dhaqaalaha ee badda Soomaaliya.

 

Waxyaabaha ay shirkaddan Atlantic Marine and Offshore Group iyo dawlada Soomaaliya ku heshiiyeen ayaa ah:-

 

1- U kuurgalida iyo kor ka Eegista aagga dhaqaalaha (Exclusive Economic Zone) EEZ.

2- Kormeerista, kontoroolista iyo amni ka dhigista Aagga dhaqaalaha EEZ.

3- Xasilinta ganacsiga iyo dekedaha.

4- Difaaca kheyraadka dabiiciga.

5- Ka ilaalinta dhulka kalluumeysiga doonyaha  ee sharci darrada ee ajnabiga.

 

6- Ka hortagida sunta iyo waxyaabaha kale ee lagu aaso badda.

7- Raadinta, badbaadinta iyo ka hortegida hawlaha tahriibka.

 

Sida ku cad war saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada, waxay shirkadda Atlantic Marine and Offshore Group keeni doontaa maraakiib iyo doonyo dheereeya oo ilaaliya badaha iyadoo la shaqeyneysa ciidamada badda ee qaranka.

 

Waxay sidoo kale shirkaddu furi doontaa goobo lagu tabaro ciidamada badda ee Soomaaliyeed iyo xarumo looga gurmado dhanka badaha.

 

Shirkadan Atlantic Marine and Offshore Group waxay ku shaqeyneysaa wakiilna ka tahay hay’adaha maamul ee dawlada ee qaabilsan badaha iyadoo shirkadu u hogaansameyso dhammaan cunaqabateynada iyo qaraarada Qaramada Midoobay ee xayiraada hubka ee Soomaaliya

 

Somalidiasporanews.com

Muqdisho/somalia

Comments are closed