|

Naqdiga Suugaanta: Warbixin si gaar ah diiradda u saaray qaabka loo naqdiyo Heesaha oo uu Diyaariyey Cabdishakuur Heersare

Hargaysa 31.July 2014 (SDN/QJ)- Naqdida suugaanta isugu jira heesaha, riwaayadaha, gabaya, qoraallada iyo waxa la midka ah, ayaa looga dan leeyahay in wax lagaga beddelo qaabka loo hindsay hal-abuur nooca uu doono ha ahaadee, iyadoo ujeeddadu tahay in la hagaajiyo.

Naqdqiga ayaa caalamka muddo dheer ka jiray iyadoo Soomaaliyana siiba xilligii kacaanka uu naqdiga iyo faaf-reebka suugaantu ay isbarbar socdeen.  Haatanna muddo-dheer ka dib waxa si firfircoon u soo noolaanaya naqdiga hal-abuurka.
Haddaba, su’aalo kala duwan ayaa taagan qaabka naqdinta oo ay ku jiraan; waa wax naqdin kara? Waa maxay qaabka iyo asluubta loo baahan yahay in loo maro marka wax la naqdinayo? Habkee ugu mudan oo heesaha loo naqdiyaa?
Maxaa la rabaa in naqdinta lagu saleeyo? Heesihii hore sidee loo naqdin jiray? Maxaa naqdinta ka dhasha?Yay dan u tahay nadintu?Goormaa la samaynayaa?

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare) oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa warbixintan mugga leh ka diyaariyey arrintaasi.

Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com

Comments are closed