|

Nin Soomaali ah oo sheegay in FBIda Minneapolis Cadaadis ku heyso

Minneapolis Jan 31,2012(SDN)-Ciidamada FBIda loo yaqaano ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay eegayaan eed uga timi nin Soomaali ah oo sheegay in laba kamaida ciidamadu ay u caga jugleeyeen.

Ururu ay leeyihiin Muslimiinta Mareykanka oo la yidhaahdo CAIR ayaa sheegay in in Soomaali ah oo Minneapolis ku nool uu ula yimi cabasho uu ku sheegay in FBIdu ugu cagajugleysay hadii aanu sir u keenin ama la shaqeynin in ay ka raajin doonaan sharciga isla markaana ay shaqada ku soo booqan doonaan,ninka ayaa mudo yar ka dib shaqada laga eryay.

Afhayeenka FBIda Minneapolis Kyle Loven ayaa sheegtay in ay la xiriireen CAIR ayna u sheegeen in ay heleen warqada eeda ah isla markaana ay xaalada eegayaan,mana jirin bay tiri balan qaad baaritaan.

FBIda Minneapolis ayaa sanado faro badan ku hawlaneyd baaritaano la xiriira dhalin magaaladaa ka tagtay oo ku biirtay kooxda Al Shabaab.

SDN-Minneapolis

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed