Uncategorized

“Ninkii Siyaasadda u Bu’ayaanna Xisbiyadda Ha Gallo, Xasan Guurre Ma Burco Ayuu dib u haystaa” Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta {DHAGAYSO}

Hargeysa 16.Sep 2013 (SDN)- Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacy-gelinta Somaliland Mudane Cabdi-waaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, ayaa faahfaahin ka bixiyay Safarka Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisu ku marayaan Gobollada Saaxil iyo Togdheer, isla markaana waxa uu jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Guddoomiyaha kooxda la baxday madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka oo xukuumadda sheegay in madaxdii dalku ay dalka ka maqan yihiin.

Cabdi-Waaxid1-300x225

 

 

 

 

 

 

Cabdiwaaxid C/qaadir Cabdiraxmaan oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, ayaa sidoo kale dhaliilay hadalo ka soo yeedhay ashkhaas mucaaridka ka tirsan oo safarka madaxweynaha wax ka sheegay, kuwaas oo u jeediyay inay ka fiirsadaan hadalada qadafka ah ee aan xaqiiqada meelna ka soo gelayn, laguna manjaro habaabinayo ummadda Kalsoonida badan u qabta xukuumadda tallada haysa.

Halkan Guji oo Mobilkaaga ka Dhagayso hadalkii Wasiir ku xigeenka Warfaafinta
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/CabdiWahid15(1).mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com