Istanbul 19.Jan 2014 (SDN)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inay Soomaaliya iyo beesha caalamkaba qirsiiyeen inay khaladkii iyo xasuuqii laga galay shacbiga Somaliland.
Wasiir Xirsi oo xubin ka ahaa ergadii Somaliland u matalaysay wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ee saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku shirsanaa magaaladda Istanbuul ee wadanka Turkiga. Ayaa ka hadlay qodobadii ka soo baxay shirkan oo maanta la soo gunaanaday.
“Wada hadal muddo socday ka dib, waxaan halkan idinkula wadaagaya qodobadii ka soo baxay kulankii ay marti gelisay dawlada Turkigu, waa qoddobo gogol xaadh u noqon doona yoolka wada hadalkan oo ah in aan beesha caalamka ku qancino xaqa iyo xuquuqda ka maqan dalkeena Somaliland,”ayuu Wasiirka Madaxtooyaddu ku yidhi qoraal uu caawa ku soo daabacay Mareegtiisa Internet-ka ee guusha.com.
Wasiirku waxa kale oo uu shabakadiisa ku daabacay qoddobadii heshiiskii ay kala saxeexdeen labadii ergo ee kala matalayay Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasi oo ay qalinka ku duugeen Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Amniga Soomaaliya C/Kariim Xuseen Guulleed.
Qodobadii Heshiiskan oo Wasiir Xirsi shaaciyayna waxay u qornaayeen Sidan:-
1- In labada dhinac sii waddaan wada hadalada noocan ah, isla markaana la fuliyo qodoboadii kuwii hore lagu heshiiyey,
2– Labada Dhinacba waxay gelayaan Wada-hadalada iyaga oo ay ka go’an tahay in ay xaliyaan arrimaha u baahan xalka si loo helo natiijo labada dhanba qancisa,
3– Labada dhinacba waxay isku raaceen inay ku dhaqmaan xeerka anshaxa iyo heshiisyada kale
4– Labada dhinacba waxay si dhamaystiran u fududaynayaan si wada jir ahna u qeexayaan meelaha la iska kaashanayo kuwaas oo ku qotoma baayihaha labada dhinac
5-Labada dhinac ba waxaa si dhaba uga go’an xal u helida farqiyada iyada oo loo marayo hab ku salaysan nabad-gelyo iyo wada hadal
6- Labad dhinac waxay isla garteen in Dawlada Turkey-gu xog joogta ah siiso beesha Caalamka
7– Iyada oo la tix-raacayo wada-hadalkii labada dhinac ku dhex maray Istanbul, Turkey 7-9/Jul 2013 labada dhinac waxay isla garteen in muddo 45 cisho ah ku dhisaan gudiga maamulka socdaalka hawada “Air Traffic Control Board”
8– Labada dhinac waxay isla meel dhigeen in ay dhisaan guddi farsamo oo ka kooban afar xubnood “ Laba xubnood dhinac walba” labada gudi Farsamo-na waxaa kormeeraya labada Wasiir ee u xil saaran.
9– Waxaan wadaagnaynaa xanuunka iyo dhibta ay dadka Soomalida ah u geysateen nidaamkii keli taliskii Milatarigu, gaar ahaana dadka ku dhaqan Somaliland”
Dhinaca kale Qodobada 9ka ah ee lagu heshiiyey ayaanay ka dhex muuqanin muhiimaddii wadahadalka iyo himiladii dadka reer Somaliland ay ka lahaayeen iyada oo lagu soo ururiyey qodobo u badan iskaashi iyo wada-shaqayn guud.
Qodobadan 9ka ah ee ku salaysan iskaashiga ayaa waxa si gaar ah u danaynaysay dawladda Somalia iyada oo doonaysa in iskaashi buuxa dhex maro labada dhinac si isku milankaasi u suurogaliyo midnimo soomaaliyeed halka qodobada Somaliland muhiimadda u lahaa aanay ka muuqanin heshiis sida madaxbanaanida Somaliland.
Hadaba idaacadda VOA mar ay waraysatay Wasiirka Amniga Somalia Md. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa wuxuu xusay inay labada dhinac samaysteen Roadmap ay wadahadaladu ku socdaan “Heshiisbaanu gaadhnay annaga iyo ergadii reer Somaliland, heshiis aan is leeyahay waxbadan ayuu ka taridoonaa wadahadalada mustaqbalka, heshiiskaas waxa gundhig u ahaa Roadmap aanu isla garanay iyo qaabayn guud iyo wadahadaladaasi siday ku socon lahaayeen” ayuu yidhi wasiirka amnigu
Wasiirka amniga Somalia wuxuu xusay in dawladda Turkiga la siiyey door ay ku leedahay wadahadalada labada dhinac isaga oo xusay in marwalba lasoo hormarinayo qodobada fudud kuwa culusna la dib dhigo “Waxa heshiiska ku jira mabaa’dii guud oo aanu isla qaadanay iyo doorka ay dawladda Turkigu ay leedahay, waxanu qaabaynay qaabka ay wadahadaladu u soconayaan iyo in marwalba lasoo hormariyo qodobada fudud kuwa culus ee labada dhinac isku hayaanna la dib dhigo” ayuu yidhi wasiirka amnigu
Wasiirka amiga dawladda Somalia waxa uu si cad u qeexay hadafka ay wadahadalka ugu jiraan “Annagu hadaanu nahay dawladda somaliyeed hadafkayaga iyo ujeedada aanu wadahadalkan ugu jirnaa waa hadaf aad iyo aad u cad waayo dawladayadan lixda tiir ee ay ku dhisantahay ayaa mid ka mid ahi wuxuu yahay inaanu u hawlgalno midnimadii iyo wadajirkii dalka iyo dadka somaliyeed usoo calin lahayn, markaas ujeedada aanu wadahadalka ugu jirnaa waa sidaanu usoo celin lahayd midnimadii somaliyeed walaaleheenna ugu qancin lahayn inay dib usoo laabtaan qaabka ay ugu soo laabanayaan xayndaabkii guudna waa waxaanu ka wadahadlayno” ayuu yidhi ugu dambayn wasiirka amniga Somalia.
Nuxurka qodobada 9ka ah ee qalinka lagu duugay ayaa waxa dhamaantood ay yihiin qodobo weyd ah oo xambaarsan iskaashi iyo is dhexgal labada dhinac ah sida qodob odhanaya “Labada dhinac waxa ay si wadajir ah u qeexayaan dhinacyada la iska kaashan karo ee ay labada dhinacba u baahan yihiin”
Qodobka kale oo odhanaya “Labada dhinac waxa si adag uga go’an xallinta farqiga u dhaxeeya” ayaa wuxuu si cad uga hor imanayaa kala madaxbanaanida labada qaran ee Somaliland iyo Somalia isagoo abuuraya is dhex galka ay doonayso Somalia.
Qodobka lagu dafiray xasuuqii loo gaystay shacabka Somaliland ayaa iska waxa uu odhanayaa “Waxa aynu ka xunnahay dhibta ay dadka Soomaaliyeed uu u geystay keli-teliskii milatarigu” qodobkan ayaa wuxuu laf jab ku yahay shacabkii Somaliland ee naf iyo maalba cagta la mariyey.
Istanbul SDN.
Qurbejoog.com
