Uncategorized

Nuxurka Kulamo La Filayo Inuu Xasan Sheekh Qahira Kula Yeesho Dhiggiisa Masar iyo Waxyaabaha Laga Wada-hadli Doono

Caira:Dec,29,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan Sheekh oo Haatan ku sugan Dalka Masar, ayaa la filayaa inuu Kulamo gaar ahla qaato dhiggiisa Dalkaasi C/fatax Azizi iyo Waliba madaxda Sare ee Jaamacadda Carabta oo halkaas fadhigoodu yahay.

sizoWafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah Sii hayaasha Wasaaradaha xukuumadii la riday, Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo la taliyeyaashiisa, waxana aan bulshada loo caddayn ujeeddada uu safarka Madaxweynuhu Salka ku hayo, marka laga reebo kulamo uu Madaxweynaha Masar la yeelan doono.

Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi ayaa martiqaad rasmi ah u fidiyay dhigiisa Soomaaliya, si ay uga hadlaan xidhiidhka labada dal, iyadoo dowladda Masar ay dooneyso inay dib boodhka uga jafto saameynta ay ku leedahay Siyaasada Soomaaliya, kadib qalalaaso dalkaas soo wajahay wixii ka dambeeyay sanadkii 2011 oo la riday Madaxweynihii mudada dalkaas ka talinayay Xusni Mubaarak.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Masar kala hadli doono Madaxweynaha Soomaaliya arrimaha ammaanka, siyaasada, waxaana Masar ay u fidin doontaa balanqaadyo dowladda Soomaaliya, kuwaasoo isugu jira dhinacyada dhaqaalaha iyo tababarka ciidamada sirta ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi ayaa hore isu arkay, xilligii caleema saarka Madaxweyne Sisi, xilligaasoo Madaxweynaha Soomaaliya uu ka mid ahaa madaxdii lagu casuumay caleema saarka Madaxweynaha Masar.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa La filayaa inay Madaxweynaha Masar kala hadlaan xadhigga tiro muwaadiniin soomaaliyeed oo ku jirta Jeelasha dalkaasi, waxana la filayaa in dhawaan lasii dayn doono.

Masar, ayaa waxa ay isku deyeysaa inay Somalia la noqoto saaxiib dhaw, iyadoo maanka ku Haysa Colaadda Somalida kala dhaxayn jirtey Ethiopia oo Haatan meesha ka baxday.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com