|

Puntland Oo Dhaqdhaqaaqyo Lid Ku Ah Wada-hadallada Somaliland Iyo Khaatumo Ka Bilowday Buuhoodle & Galaydh Oo Meel Adag Iska Taagay Shirka Burco Ka Furmaya 

Buuhoodle 20.October 2016 (SDN/QJ):- Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Buuhoodle ee Somaliland, waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday Shirar hoose oo ay soo abaabuleen Maamul-Gobolleedka Puntland ee Soomaaliya, kuwaasi oo la doonayoin  lagu Carqaladeeyo Shir Nabadeedka la filayo inuu 25-ka bishan Magaalada Burco uga furmo Xukuumadda Somaliland iyo Beelaha Dega Gobollada Sool iyo Buuhoodle oo Kooxda Khaatumo qayb ka tahay.

Cali Khaliif GalaydhQaarka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Buuhoodle oo sida Dadka Buuhoodle ku sugani u sheegeen Wargeyska HIMILO taageero-dhaqaale ka helaya Maamul-gobolleedka Puntland ayaa wada Shirar Doceedyo ay la yeelanayaan Waxgaradka Beelaha Dhulbahante ee halkaa deggan, iyaga oo doonaya inay ku qanciyaan in aanay ka qayb-gelin Shirka Xukuumadda Somaliland Dadka Kooxda Khaatumo iyo Buuhoodle iyo Sool ugu qabanayso Burco.

Dadka ku dhaqan Buuhoodle ee Wargeyska HIMILO la hadlay, ayaa sidoo kale sheegay in Odayaasha taageerada ka helaya Puntland ay dedaal ugu jiraan sidii loo burburin lahaa Wada-hadallada u socda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ee uu Hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh, “Magaalada Buuhoodle waxaa ka socda Shirar ay wadaan Odayaal kasoo horjeeda Wada-hadallada Cali Khaliif Galeydh la furay Somaliland, kuwaasi oo ay dabada ka waddo Puntland si ay uga hor-yimaaddaan Wada xaajoodkaas”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Ciise.

Dhaqdhaqaaqyada Lidka ku ah Wada-hadallada Somaliland iyo Khaatumo u socda iyo Shirka Xukuumaddu Magaalada Burco ugu qabanayso Dadka Sool iyo Buuhoodle, ayaa ku soo beegmaya Xilli uu Cali Khaliif Galaydh uu Shalay sheegay in Kooxdiisu ka soo horjeeddo Shirka Xukuumadda Somaliland Bishan Magaalada Burco ugu qabanayso Beelaha Sool iyo Buuhoodle.

Cali Khaliif wuxuu sheegay in aanay ogolaanayn in Shirka Burco qabsoomo inta Wada-hadalladu u socdaan Kooxdiisa iyo Somaliland, sidaa daraadeedna wuxuu ku adkaystay inuu in Xukuumadda Somaliland ama Shirka Burco qabato oo ay Wada-hadallada Kooxdiisa ka tanaasusho ama Wada-hadallada waddo oo ay Shirka ka tanaasusho, “Shirka (Burco) waxa hore ugu talo-gashay Somaliland. Madaxweynaha Somaliland baa kaga dhawaaqay Adhi-caddeeye, waan ku celinayaa ee Shirkaasi ma suurtoobayo. Somaliland iyo Khaatumo oo Wada-hadallo u socdaan la noo gacan dhaafi maayo Shacabkayaga oo la odhan maayo Somaliland baa Shir ugu qabanaysa Burco. Labada Shir mid ayuun baa Meesha ka baxaya (Shirka Burco ama Wada-hadallada Somaliland iyo Khaatumo).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Haddii Somaliland door-bidayaan Shirka Burco ee ay Qabaa’ilkayaga ugu yeedhayaan, waxaan leeyahay Shacabkayagu ma ogola, Maamulkayaguna (Kooxda Khaatumo) ma ogola, oo wax Suurto-gelaya maaha. Waan ku celinayaa Shirka Burco ee la yidhi waa 25-ka Oktoobar iyo Wada-hadallada Somaliland iyo Khaatumo ma wada soconayaan oo mid baa meesha ka baxaya. Hadday Somaliland door-budeyso in Wada-hadallada Khaatumo meesha ka baxaan oo ay ku dhiiranayaan Shirka Burco iyagaa leh Go’aanka, laakiin Shirka Burco boqolkiiba boqol waanu ka soo horjeednaa..”

Comments are closed