|

‘’Puntland oo keliya ayaa ah Dowlad Goboleed – Inta kalena waa Maamul Goboleedyo…’’ Prof. Jawaari

Muqdisho,31Aug,2015(QJ/SDN)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in aanay dalka ka jirin wax Dowlad-goboleedyo la yidhaahdo, laakiinse ay yihiin Maamul-goboleedyo, isagoo sheegay in Maamul-goboleedyadii Dhawaan la sameeyay ay ahaayeen kuwo go’aan siyaasi ah oo aan sharci ahayn lagu dhisay

jawaari

Jawaari ayaa arrintan ku sheegay su’aalo shalay lagu weydiiyay shirka dib loogu eegayo dastuurkad dalka ee ka furmay Muqdisho, isagoo xusay in wax badan la isku qaldo oo ah dowlad-goboleed iyo maamul-goboleed, taasna aanay wax sax ah ahayn.

“Waxaan jeclahay in hal arrin si fiicacn oo fahmo; waxaa jira raadiyayaasha & Siyaasiyiinta inay wax badan Qaldayaan, Annaga Arrimahan waxaa ku fiirinnaa indhaha Dastuurka iyo indhaha sharciga qofna ma doonayno inaan ka careysiino, qofna ma doonayno inaan ka qosolsiino, wax la yiraahdo Dowlad-goboleed ma jiraan,” ayuu yidhi Jawaari.

 

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa intaas ku daray in Puntland loogu yeedhi karo Dowlad-goboleed, maadaama dhismaheeda uu ka horreeyo dastuurka hadda la sameeyyo, balse looga baahan yahay in waxyaabaha yar ee dastuurka ka dhiman la is-waafajiyo.

 

“Dowlad goboleed wax la yidhaahdo dalka kama jiraan oo aan ka aheyn Puntland oo iyadu ka horreysay Dastuurkan, iyadana ay ka dhiman tahay Waxyaabo yar Dastuuri ah, inta kale ee sameysmay waa maamul goboleedyo KMG ah oo lagu Qaarkood lagu dhisay go’aan siyaasi oo aan wax sharci ku fadhin,” ayuu mar kale yidhi Prof. Jawaari.

 

Ugu dabmeyn, Guddoomiye Jawaari ayaa hadalkiisa kusoo beegay iyadoo inta badan ay xukuuumadda Soomaaliya ugu yeedho maamul-goboleedyada dalka kajira inay yihiin dowlad-goboleedyo.

 

 

Comments are closed