Garowe 20.May 2015 (SDN/QJ)- Maamulka Puntland ayaa dib u oggolaaday inuu deegaannada maamulka ka shaqeeyo telefishinka dowladda Soomaaliya oo uu horay uga joojiyay shaqada.
Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Puntland, Cabdullaahi Xaashi Warsame Qoob-deero ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in telefishanka loo fasaxay shaqada uu ka hayay Puntland.
Wasiir ku-xigeenka ayaa xusay in Telefiishinka dowladda shaqada looga joojiyay warar been abuur ah oo uu ka tabiyay deegaannada maamulka Puntland.
