Uncategorized

Shirkii Saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumadda ee Maanta Oo Is afgarasho ku dhammaaday, Ballan Dambe oo La Qaatay iyo Haddalladii Madaxdu Halkaas ka Jeedisay

Hargeysa:May,20,2015(SDN/QJ)-Kulankii ay Maanta u ballansanaayeen Saddexa Xisbi-qaran iyo xukuumaddu, ayaa ka qabsoomay hutel Ambassador ee Magaalada Hargeysa, waxana dhinacyadu muujiyeen inay si fiican isku afgarteen, isla-markaana isku qanciyeen inay aragtiyo midaysan ku saleeyaan samaynta ajandaha shirkaasi yeelan doono.

krrKulankan oo uu Guddoominayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, isla-markaana wehelinayeen Hoggaanka ugu sarreeya saddexda Xisbi-qaran ee Waddani, Kulmiye iyo Ucid, ayaa muddo saacado ah soconayey, waxana laga dhigay mid saxaafaddu dibad joog ka ahayd.

Inkastoo aan la ogayn wixii la is yidhi intii kulanku socday ee fikradaha iyo rayi’yada la isweydaarsanayey, haddana markii kulanku dhammaaday waxa saxaafadda la hadlay saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada qaranka, waxana ay faahfaahin ka bixiyeen halka ay wax isla dhigeen, iyagoo ifa-faale wanaagsan muuiyey.

Ugu horrayn Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biici Cabdi oo halkaas ka Hadlay ayaa faahfaahin ka Bixiyey wixii ay ka Hadleen“Waxanu ku heshiinay inuu shirka ajandahiisu noqdo in arrintaas qoloba meel iska taagtay ee dub dhaca doorashooyinku aanu helno xal siyaasi ah oo saddexda xisbiba ku qancaan oo ku heshiiyaan, waxanu aanu isla qaadanay inaanu berrito o khamiis ah iyo jimcaha qolo waliba isku noqoto, Sabtina aynu furano dooddi ahayd arrintan sidee uga baxnaa oo ajandihii si toos ah loo galo.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Guddoomiyaha Wakiillada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, oo isaguna halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay in la is dul taagay arrinta doodda iyo muranka dhalisay ee Muddada loogu kordhiyey xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, waxana uu yidhi,

“markii aanu isu nimi waxanu ka doodnay waxa laga wada hadlayo, waxa laga wada hadlayaana waxa uu noqday Go’aankii Muddo-kordhinta ee  golaha Guurtidan Axsaabtuna meelo kala duwan bay kala joogeen laakiin waxanu isla garanay in xal siyaasi ah la doono. Waxana la isu iman doonaa Sabtida.”

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe oo isaguna Halkaas ka hadlay, ayaa si toos ah u sheegay in muddo-kordhinta la sameeyey ay faa’iido u ahayd Xukuumadda iyo xisbiga Waddaniba, waxana uu  yidhi, “haddaanu Ucid nahay laba xisbi oo loo kordhiyey baanu la fadhinay oo mawqifyadooda difaacaya, xisbiga qudha ee aan loo kordhinnini waa annaga, Axmed Siilaanyo iyo Cirro-ba waa loo kordhiyey,”

Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay in la isla gartay  in is faham laga gaadho in xeer jajab arrinta  lagu saleeyo oo aan sharciga loo eegin,

“Waxanu isla garanay inaan laga tashan waxani ma sharcibaa mise ma aha sharci, distoor iyo sharci mar hore ayeynu jeebka gashanay oo beryahanba kuma shaqayno, Haddii sharci lagu dhaqmayana wax badan baan sidaas ahaadeen, Haddii sharci lagu dhaqmayana wax badan baan sidaas ahaadeen, sidii caadada inoo ahaan jirteyna xeer jajabkeenii oo dalka iyo dadka aynu u tudhaynay inaynu ku dhaqanno.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com