Uncategorized

Puntland oo sheegtay dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe Inuu Sababayo Colaado sokeeye

Garoowe, 20,2015(SDN/QJ)-Warsaxaafadeed kasoo baxay Maamul goboleedka soomaaliyeed ee puntland, ayaa lagu sheegay in Maamulkaasi uu kasoo horjeedo Dastuurka loo sameeyay Maamulka Gobolada Dhexe ee dhawaan ay ansixiyeen Ergada Shirka Cadaado.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay kasoo horjeedo Dastuurkasi, sidoo kale Puntland waxa ay sheegtay Maamulka Gobolada Dhexe loo dhisaayo inuu yahay mid abuuri kara colaad sokeeye.

ppp

Puntland ayaa warkeeda waxa ay ku sheegtay sidan tan“Puntland waxa ay u sheegaysaa Umadda Somaliyeed iyo Beesha Caalamka in Maamulka laga dhisayo Cadaado uu yahay mid horseedi doona colaad sokeeye iyo dagaal kasoo cusboonaada dadka dariska ah ee nabadda ku wada noolaa mudada dheer.”

Sidoo kale warka kasoo baxay Puntland waxaa looga hadlay arimo ku saabsan Hanaanka Federaalka Somalia xilligan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com