Uncategorized

Puntland: Saddex Idaacaddood oo shaqadooda baahineed la mamnuucay

Garowe April, 3, 2013 (SDN)- Maamul-gobolleedka Puntland ayaa maanta soosaaray go’aan uu ku joojinayo shaqada baahineed ee saddex idaacaddood oo ka hawlgala degaamada maamulkaas ee Waqooyi-bari Soomaaliya.

Sida lagu sheegay go’aan uu Arbacadda maanta soosaaray maamulka Garoowe, waxa la mamnuucay hawsha baahineed ee idaacaddaha Radio Daljir, Codka Nabadda iyo Radio Nation oo ah kuwo gaar loo leeyahay oo fadhigoodu yahay Puntland.

Go’aankan oo ay soosaartay Wasaaradda Warfaafinta iyo taliska Booliska Puntland, saddexda idaacaddood oo amarkaa maanta la gaadhsiiyay waxa lagu amray inay joojiyaan hawshooda baahineed laga bilaabo 12:00 duhurnimo ee Arbacadda maanta.

Siday sheegeen wararka naga soo gaadhay deegaankaas, maamul-gobolleedka Puntland wuxuu idaacaddahaas ku eedeeyay inay baalmareen heshiis sida la sheegay hore loo gaadhay oo la xidhiidhay in aanay sii gudbin karin baahimaha idaacaddo kale, kuwaasoo ah kuwo fadhigoodu dibadda yahay oo ay iskaashi la leeyihiin, inkastoo aan magacyadooda la sheegin.

Weriyeyaal ku sugan Puntland waxay shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, u sheegeen inay ka xumaadeen amarkaas, isla markaana ay walaac ka qabaan siday noqon karto hawsha saxaafad madaxbanaan oo ka hawlgasha Puntland, maadaama uu muddooyinkan dambe maamulki sii kordhinayay cadaadiska ka dhanka ah saxaafadda madaxabanaan.

 

Qurbejoog.com, Garoowe