Hargeysa:May,12,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa si dhaw u soo dhaweysay Muddo-kordhinta muranku ka taagan yahay ee Golaha Guurtidu siiyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha wakiillada.
Wasiirka waasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse), ahna Afhayeenka Xukuumadda oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inuu si weyn usoo dhaweynayo Muddo-kordhintaas, waxana uu hambalyeeyey Golaha Guurtida oo uu sheegay inay mudan yihiin in tallaabadaas lagu ammaano.
Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumad ahaan wixii doorashada dhicitaankeeda kaga xidhnaa ay sameeyeen, waxase aanu meesha ka saarin inay masuuliyadda qaybtooda leeyihiin,
“Xukuumad ahaan waxa noo faan in wixii nagu xidhnaa oo dhan inaanu ka dhamaynay dhinacayaga, inkastoo ay tahay maadaama oo aanu dalka masuul ka nahay inay wax nagaga soo baydhayaan dib u dhac kastab, laakiin dibudhacaas wax nagaga soo baydhayaan ma aha qaar nalala leeyahay gacantiinay ku baaqataye waa qaar la odhanayo gacmaha kale ayaad ka dhiraandhirin weydeen” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa ka jawaabay su’aal Madaxda qaarkood isweydiiyaan oo ah inaan la aqoonin cidda muddo-kordhinta loo samaynayo, waxana uu caddeeyey in ciddaasi tahay madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiye Cirro, waxana uu yidhi,
“qaar baa qorayey yaa loo kordhiyaye waxa loo kordhiyey, madaxdii la doortay oo ah Madaxweynaha, Ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Wakiillada iyo inta la shaqaysa, madaxweynihii iyo ku-xigeenkiisa go’aankaas wey ku qanacsan yihiin, Guddoomiyihii Wakiilladuna waxa uu ku baaqay in lagu mudaharaado.”
Muddo-kordhintan, ayaa dalka khilaaf iyo khalkhal badan ka abuurtay, waxana ay xishbiyada mucaaridku ku baaqeen in diidmadaas la wadayo inta la gaadhayo wax heshiis lagu yahay.
Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo, ayaan wali wax hadal ah ka odhanin xaaladda kacsan ee Waddanka, waxana uu aamusnaan Kaga jawaabayaa Kacdoonada siyaasadeed iyo cadaadisyada Caalamiga ah ee Arrintani ku keentay qaranka.
SDN.QJ
Contact@somalidiasporanews.com
