Valleta:4-Oct-2013(SDN)-Waxa isa soo taraya wararka ku saabsan tahriibayaashii maalintii shalay doonnidu kula qarraqantay Badda u dhaw jasiiradda Malta, iyadoo ay halkaasna ku dhinteen soomaali tiro badani, halka qaar kalena la la’yahay.
Doonida waday Dhalintani ayaa waxaa la soo warinayaa inay kasoo ambabaxday Xeebaha Dalka Libya hayeeshee markii ay gaardhay kala badh Badda isu xidha Libya iyo Talyaani ay halkaasi ku istaagtay iyadoona ay halkaasi ku naf-waayen 64 ruux.
Warbaahinta Talyaaniga ayaa waxa ay baahiyeen in dhalintaasi ay u geeriyoodeen Baahi iyo haraad, waxa ayna sheegtay warbaahinta in iminka loo diray Markab walow wararka qaarna ay sheegayaan in Doonidaasi ay iminka gashay gacanta Ciiddamadda Xeebaha Talyaaniga.
Qaar ka mid ah warbaahinta dalka talyaaniga ayaa baahiyey magacyo kooban oo ka mid ah soomaalida halkaas ku naf weyday, waxana ay kala yihiin sida.
1- Muse Jamac Cabdi
2- Ilyaas Xassan Rooble
3- Fartuun Axmed
4- C/llahi
5- Najax Axmed Kaafi
6- Bulxan
7-Xamdi Cabdi Keef
8-Naciimo Xashi
9 Axmed
10- Naasir Ismail
11- Salaad baashe
12- Liiban Xaji cabdi
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
