Uncategorized

Waa tix Gabaya oo la magac baxayday Dookh oo ay soo Saartay Abwanada Marwo Caasha Luul Maxmuud

London Nov19/12 Abwanada Caasha Luul Maxmuud oo soo gaadhsisay qurbojoog.com Gabay la magacac baxay  Dookh .

 

Haddaanad gabayga deelqaafka iyo dari ka saaray nin
Dalabtiyo haddaan laga midh tirin diniqa aan muuqan
Meeshii dahsoonayd haddaan lagu daqiiqaynin
Doogtiyo haddaan lagu laf gurin dakharadii raagay
Darar laga ma maallo tixuu dufan ma yeeshaane

Aan dareersho caawoo kalaan dariibta saafaaye.Inkastuu darmaan qurux san iyo daaddax ugu yedho
Ama uu amaan deexdo oo dawlo ku yidhahdo
Hadal dhegaha deeqaaya oo dabacsan oo fiican
Dun xariira iyo shaal haduu dahabku saar saaro
Daraan daryo aragaaga hooy damacu waa yabe
Oo aanu dookhaaga noqon waa dariiq xidhaane.

Hadduu daaro waawayn dhisoo dabaqayo kuu jeexo
Dal dhan oo murayda dhamaan adiga kuu dayro
Sancadaw dambaysiyo haduu dalabka kuu keeno
Naftu waxay yara doonayso uu derega soo saaro
Oo aanu dookhaga noqon waa dariiq xidhane.

Inkastoo aduun doora iyo duunyo lagu sheego
Inkstuu dulqaad badan yahoo deeqsi lagu sheego
Duub iyo malaaq uu yahoo dooje lagu sheego
Digriiga iyo maastariga iyo darejo wayn haysto
Digrigyo quraankaiyo haduu diinta yahay xaafid
Oo aanu dookhaga noqon waa dariiq xidhane,

Inkastuu dilaacshoo qalbiga daabac ku xardhaayo
Xididada dil-dilayee wadnahu diryo dhiiggooda
Dahriga iyo laabtaba ku dhigo deeqa magaaga
Diiwaankii cilmoo kale galoo delli ka laalaado
Suugaanta duugga ah murtida damashi kuu qaado
Daawaynta heesaha intaa daram garaacayo
Oo aanu dookhaaga noqon waa dariiq xidhane.

Haddii uu dalxiis kuugu diro dunida guudkeeda
Diyaarado hawada sarena aad kula damaanshaado
Durdur iyo haduu kugu dul furo ilo dareeraya
Deeradiyo cawshiyo ugaadh quruxda daa’uuska
Doog iyo cagaar soo ifbaxay darinta kuu daadsho
Ama daallo oo roobku helay dalawa kuu maalo
Oo doobi kuu buuxiyo kuna daryeelaayo
Dayrtiyo gu’gaba kuu da’oo adiga kuu deexdo
Daruur hoortay uu kuu noqdiyo malakba doocanka
Oo aanu dookhaga noqon waa dariiq xidhane,

Inkastuu darwiish adag yahiyo geesi diriraya
Diraca iyo wiil hoog yahoo dagello naafeeyo
Dumukha iyo qorigaba ridoo diirada u saaro
Halka lagu dagaalamo haduu doorar ka ciyaaro
Ama u daqiiqaayo uu duubiyda gooyo
Oo aanu dookhaa ga noqon waa dariiq xidhine.

Xeedhyo duban oo duqus leh oo geedo lagu daadshay
Hilibo duban kuwii diiranaa qaar dux lugu shiilay
Daboolkiyo lingaxa lagu xidhood uumi lagu daaro
Ubbaddii dahaadhnayd haddii diiqo lagu siiyo
Hadaan milix yar lagu daadinayn kaama daadego e,
Dookhana sidaasoo kalaan loo dirqiyahyne
Damiirkaagu meeshaanu rabiin dooni kaari maysid,

Qurbojoog.com London