|

Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay ciidamada Somaliland u qorsheyso Shirkadaha Shidaal baarida

Washington May 31,2014(SDN/QJ)-Xeel dheereyaasha Qaramada Midoobey ayaa ka digay ciidamo Somaliland ay sheegtay in ay sugi doonaan  amniga shaqaalaha shidaalka ka baaraya Somaliland.

Jarat Chopra oo ah Khabiir dhanka amaanka talooyinka amniga siiya ayaa shir ilbaabadu u xiran yihiin oo uu la yeeshay Gollaha amaanka ee QM waxa uu ka warbixiyay khataraha ciidamada shirkadaha Shidaalka.

“Hawlgelinta ciidamada ilaalada shirkadaha shidaalka waxa ay sababi doonaa isku dhacyo dhexmara reer Soomaaliland iyo weliba maamulada kale”ayuu Gollaha amaanka u sheegay  Mr. Chopra.

Sidoo kale waxa uu khabiirku ka waramay xeerka Shidaalka Soomaaliya iyo doodaha ku xeeran ee saameynta ku yeelan kara amaanka.

“Shuruucda iyo xeerarka Shidaal barista dastuurka oo aan dhameystirneyn waxa ay sababi karaan isku dhacyo  dhexmara dawlada dhexe iyo maamulada”ayuu mar kale u Mr. Chopra u sheegay Gollaha Amaanka.

Chopra ayaa sheegay in Somalland ay guddi u saartay suurtogalnimada assaaska ciidamada ilaalinta shaqaalaha shirkadaha Shidaalka ayna khubarada u sheegtay in ay u hogaansami doonaan xeerarka QM.

Ciidamada ilaalada shirkadaha shidaalka ayaa noqon doona 420 askari oo laga soo ururin doono ciidamada amaanka Somaliland.

Hawshoodu waxa ay noqon doonta ilaalada amaniga shidaal baareyaasha iyo in ay ciidamada anaamka la socodsiiyaan cid walba oo khalkhal gelinkarata amaanka.

SDN/QJ-Washington

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed