Muqdisho Feb 16 2013 (SDN)— Qarax ayaa galabta waxa uu ka dhacay Maqaayad Laga Cunteeyo oo kutaalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay ayaa waxa uu ka dhacay Afaafka hore ee Maqaayada Liido ee kutaalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay boqolaal ruux maalinkasta u cunto iyo damaashaad doontaan.
Goobjoogayaal marka uu qaraxu ka dhacyay meesha ku sugnaa ayaa u sheegay Qurbejoog.com in labo qof ay ku geeriyoodeen qarax tiro kale oo aysan cayimine ay ku dhawacmeen.
Wali waxaa jira shaki badan oo ku aadan wax qaraxa loo adeegsaday oo wararka qaar ay sheegayaan in uu ahaa qarax la dhigay goob lagu baakinto gawaarida iyadoo wararka kalana ay sheegayaan in qaraxa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo raray.
Qasaaraha ugu badan ayaa waxa uu soo gaaray gawaaridii tiilay banaanka hore ee Maqaaxida oo ahaa nuuca raaxada kuwaasi oo ay badi lahaayeen Soomaalida dibada katimid ay Muqdisho ku soo badanayay baryihii danbe.
SDN-Muqdisho
