Uncategorized

Maayar ku Xigeenka Hargaysa oo deeq xoolo ah gaadhsiiyay Cisbitaalka Dhimirka iyo Xildhibaano beeniyay Khilaaf ka jira Golaha Deegaanka Caasimada

Hargaysa 16.Feb (SDN)   Ku simaha Duqa Caasimada Hargaysa ayaa maanta deeq Xoolo ah gaadhsiiyay Qaybta Xanuunada Maskaxda  ee Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargaysa .

Ku simaha Duqa Caasimada Hargaysa ahna Maayar ku xigeenka Caasimada C.casiis Maxamed Xaashi ayaa ka waramay deeqdan xoolaha ah ee ay ugu talo galeen bukaanka ku jira Cisbitaalka Waalida oo uu sheegay in Mas’uuliyada Saaran ay farayso sidii uu uga war hayn lahaa xaalada Cisbitaalka.

Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargaysa Axmed Xaaji Cumar Askar ayaa uga Mahadceliyay Ku Simaha Duqa Caasimada deeqdan uu soo gaadhsiiyay.

Geesta kale Dawlada hoose ee Caasimada Hargaysa ayaa maanta bilowday dib u dhis ay ku samaynayso buundada Xaafada State House-ka .

Dhinaca kale laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimada hargaysa ayaa beeniyay War ku soo baxay        Wargayska Waaheen oo sheegayay in Khilaaf u dhexeeyo golaha Deegaanka Caasimada.

Mudane Cismaan Xasan Faarax iyo Xildhibaan C.raxmaan Maxamed Caydiid oo Shir jaraa’id ku qabtay Hargaysa ayaa Cadeeyay inaanu Jirin  Wakhtigan Wax  Khilaaf ah oo golahood ka dhex jira.

Hargaysa SDN.