Baydhaba 12.May 2014 (SDN/QJ)- Qarax Ismiidaamin ah o qasaare nafeed iyo mid hantiyeedba geystay,ayaa galaba ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.
Ugu yaraan 13 qof oo uu ku jiro qofkii is-qarxiyay,ayaa ku dhintay qaraxa ka dhacay galabta magaalada Baydhabo.
Qof ka mid ahaa dadkii goob joogga ahaa,ayaa warbaahinta u sheegay .
“Qaraxa wuxuu ahaa mid xooggan, waxaan arkay dhimashada 12-qof oo ay ku jireen laba ka mid ah ilaalada Cabdifitaax Geeseey, dadka kale ee dhintayna waxaa ka mid ahaa shan ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda Dahabshiil iyo dad rayid ah oo qaarkood shirkadda lacago ka qaadanayay,” ayuu yidhi qofka goob joogaha ahaa ee la hadlay warbaahinta.
Waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata.
“Weerarkan ismiidaaminta ah wuxuu saameyn aad u xooggan ku yeeshay marka laga soo tago adeegyadii korontada iyo isgaarsiinta magaalada, runtii qaraxani wuxuu ahaa kii ugu xoogga badnaa oo ka dhaca Baydhabo sannadkan 2014-ka”.
Baydhaba SDN/QJ.
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com
