|

Qaraxyo ka Dhacay Suuq Ku Yaala Magaalada Baqdaad Iyo Amaanka Dalalka Reer Galbeedka oo La Xoojiyey

Hargaysa 31. December 2016 (SDN/QJ):- Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay, 40 kalena way ku dhaawacantay laba qarax oo ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaalla Baqdaad.

Saraakiisha dowladda Ciraaq ayaa sheegaya in labada qarax ay ka dheceen bartamaha suuqa.

Suuqa la qarxiyay waxaa lagu iibiyaa qalabka gawaadhida, sida Booliska ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Ciraaq ayaa laga soo xigtay in qof uu is qarxiyay, ka dibna dadkii u soo gurmaday dhaawaca lagu qarxiyay gaadhi.

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa sheegtay inay iyagu fuliyeen weerarkaasi is miidaaminta ahaa.

Daacish ayaa fuliso weeraro ku dhow inay maalinle noqdaa oo qaraxyo iyo rasaas isugu jira.

waxay badankooda la eegtaan meelaha dadka ay ku badan yihiin ee caasimadda Baqdaad.

Dhinaca Kale Amniga magaalooyiinka waaweyn ee dalalka Reer galbeedka ayaa aad loo adkeeyay ka hor munaasabadaha sanadka cusub.

Arrintan ayaa sabab u ah weerarkii gaadhiga xamuulka loo adeegsaday ee lagu qaaday Magaalada Berlin ee Xarunta dalka Jarmalka, kaas oo 12 qof ay ku dhinteen.

Waxay tallaabo ka qaadi doonaan, waxkastoo looga shakiyo argagixiso, sida ay saraakiisha dalalkaasi sheegayaan.

Magaalooyiinka amnigooda la adkeeyay waxaa ka mid ah, London, Berlin, Brussels iyo Sydney.

Si looga hortago weerarada gawaarida loo adeegsado, waxaa la sameeyay jid-gooyooyiin waaweyn.

Wadooyiinka qaar waxaa la dhigayaa qalab culus oo gawaarida aysan ka gudbi karin.

Bartamaha Paris oo ay isugu tagi doonaan kumannaan qof oo dabaaldegaya, waxaa la xirayaa dhammaan meelaha laga galo, sida laamaha amniga ay sheegayaan.

Amniga magaalooyiinka Madrid iyo New York ayaa sidoo kale la adkeyn doonaa.

Meelaha qaar waxaa la joojiyay qarxinta baaruudda la adeegsado xilliyada dabaaldegyada.

Comments are closed