|

Xildhibaano kasoo jeeda Hawiye oo Cadaadis lagu saaray in aysan isku soo sharaxin Gudoomiyaha Baarlamaanka

Muqdisho 31. December 2016 (SDN/QJ):-Warar lagu kalsoonaan karo oon heleyno ayaa sheegaya in cadaadis dhinacyo kala duwan ah la saaray Xildhibaano kasoo jeeda Beesha Hawiye oo damaacinayay in ay isku soo sharaxaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada Qorshahan watay oo qaarkood ah kuwa saameyn badan leh Siyaasada saaxiibna la ah qaar kamid ah Musharaxiinta xilka Madaxweyne u tartamaya ayaa lagu cadaadiyay in ay ka laabtaan hankooda ku aadan in ay isku soo sharaxaan xilka Gudoomniyaha Baarlamaanka.

Xubnahan kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa qorshahooda waxaa gadaal ka riixayay Musharaxiin kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle iyo Daarood, kuwaa oo doonayay in Madaxweyne Xasan iyo Musharaxiinta kale ee kasoo jeeda Beesha Hawiye ay hareer marsiiyaan xilka Madaxweyne.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa noo xaqiijiyay in Xildhibaano qorsheenayay in ay Gudoomiyaha Baarlamaanka isku soo sharaxaan ay hada katnaasuleen damacooda, kadib markii cadaadis la saaray sidoo kale balan qaadyo lacageed iyo mid kale loo sameeyay.

Xildhibaanadan waxaa cadaadis saaray loona diray Siyaasiyin iyo Odayaal kasoo jeeda Beelahooda iyo sidoo kale qaar kamid ah Musharaxiinta Beesha Hawiye, kuwaa oo ka dalbaday in aysan Hawiye hareer marsiin kursiga Madaxweynaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo badinayaa in loo dooran doono shaqsi kasoo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo horey kursigan loogu calaamadeeyay, waxaa sidoo kale suurto gal ah in kursigaasi uu kusoo baxo nin kasoo jeeda Beesha Daarood.

Doorashada Gudoonka Baarlamaanka ayaa sanadkan noqon doonta mid adag, waxaana Shariif Xasan oo inta badan taageero ka heesta Xildhibaanada Beesha Digil iyo Mirifle isku raacsan yihiin in aysan kursigaasi qaadan ayna hamiyaan in ay helaan kursiga Madaxweynaha.

Tartanka ugu horeeya ee doorashada ayaa ka bilaaban doona Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana doorashada Gudoonka kadib meesha ka bixi doona musharaxiinta xilka Madaxweyne u tartamaya ee ku guuleesta kursiga Gudoonka Baarlamaanka.

Comments are closed