Uncategorized

Madaxweynaha Faransiiska maanta Booqanaya Mali iyo QM oo sheegtay in Muslimiinta dalkaas ugaarsi lagu hayo

Bamako Feb 02,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa maanta booqanaya dalka Maali oo amar uu bixiyay looga saaray woqooyiga dalkaasi meliishaad Islaami ah oo mudo ka ariminayay halkaas.

Booqashada Madaxweynaha Faransiiska ayaa ku soo beegmeysa xili ay Qaramada Midoobey shaacisay in xasuuq iyo ugaarsi lagu hayo dadka Muslimiinta ah ee dalkaasi.

Ergeyga QM ee dalka Maali Adama Dieng ayaa sheegay in ciidamada dawlada Maali oo kaashanaya dagaalyahano beeleed ay gumaadayaan Carabta iyo Muslimiinta beesha Tuaregs.

Labadan qowmiyadood ee Muslimka ah ayaa jebhad ay hore u halaayeen isu bedeshay mid xagjiriini ay ku adeegteen.

Ergeyga QM ayaa sheegay in fal danbiyeedyada ciidamadu ay sababi doonaa in la ay yimaadaan eedo xasuuq oo madaxda dalkaasi lagu soo oogo.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa lagu wadaa in uu maanta la kulmo madaxweynaha Maali Dioncounda Traore oo ay ka wada hadlaan sidii dalkaasi loogu soo celin lahaa kala danbeyn buuxda.

SDN-Bamako

contact@somalidiasporanews.com