|

Qoraa Boobe Oo Si Adag Uga Hadlay Shir Dadka Lagu Casuumay U Badnaayeen Kuwa Ugu Neceb Somaliland ee Jabuuti ka Dhacay DAAWO

Hargaysa 20. December 2018 (SDN/QJ):- Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ka mid ah Siyaasiyiinta reer Somaliland, ayaa si adag uga hadlay Shir loogu Magac-daray “Aragti-wadaag”, kaasi oo dhawaan lagu qabtay Magaalada Jabuuti isla-markaana aad loogaga dooday Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya.

Boobe ayaa sheegay in Shirka ka dhacay Jabuuti lagu soo casuumay Dadka ugu neceb Somaliland ee ku nool Qurbaha iyo Dalka Soomaaliya iyo meelo kale, halka Somaliland-na lagaga casuumay Saddexda xubnood oo keliya, taasi oo uu ku tilmaamay inay markhaati u tahay sida Soomaalida Koonfurtu aanay Daacad uga ahayn waxa reer Somaliland doonayaan.

Comments are closed