|

Ra’iisal wasaarihii Dalka Jabuuti oo iscasilay iyo Ismaciil Cumar Geele oo ka Aqbalay

Jabuuti-31-March-2013{Somalidaisporanews} Wararka naga soo gaaraya magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ayaa waxay sheegayaan in goor dhaw uu istiqaaladiisa shaqo katagista ah uu ugudbiyey madaxweynaha ra’iisalwasaarihii dalkaasi.

Dileyte Maxamed Dileyte ayaa sheegay in isagoo caafimaad qaba oo dhibaato kale la kulmin uu shaqada iska casilay waxaana si niyad wanaag ah uga aqbalay shaqo katagistaasi Ismaaciil Geelle.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Cusmaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu bilad sharaf ku gudoonsiiyey xafiiskiisa mudane Dileyte.

Dalka Jabuuti ayaa Doorashooyin dhawaan dhacay dabadooday ka jireen murano siyaasadeed oo la xiriira Natiijooyin ay shaacisay xukumada dalkaasi.

Mucaaridka Jabuuti oo ka qeybgalay doorashooyinkii u danbeeyay ee Baarlamaanka dalkaas mudo toban sanadood ah ayaa sheegay in xukuumada dalkaasi ay ku shubatay isla markaana ay boobtay codadkii doorashada.

Dawlada Jabuuti ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabtay masuuliyiin iyo shacab ku sifoobay mucaaridnimo.

SDN-Jabuuti

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed