|

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada oo booqasho ku tagay Marka

Marka Jan 31 2013 (SDN)— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa socdaalka uu maanta ku tagay Magaalada Marka waxaa ku wehliye Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya,Wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka warfaafinta,isgaarsiinta iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka maalliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo Xildhibaanno.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uusan galin Magaalada Marka waxa uu sii maray Magaalada Shalaambood halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen maamulka Dowladda ee Magaaladaasi kadibna uu kasii ambabaxay halkaasi.

Xubnaha uu horkacaayo Saacid ayaa gaaray Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladdana gaadiid badan oo nooca dagaalka ah ay wataan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulamo kula leh Degmada Marka qaar kamid ah waxgaradka Degmadaasi iyo sidoo kale odayaasha dhaqanka.

Waa markii ugu horeysay ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu booqasho ku tago Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose.

SDN-Muqdisho

Comments are closed