|

Macalimiin Tababar ku saabsan kor u qaadista Xirfadooda Waxbarasho loo Soo Xidhay.

Hargaysa 31Jan(SDN) Sideed iyo labaatan macalin  oo ka mid ah macalimiinta dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ay maamusho hay’adda Geeska Afrika  ayaa maanta magaalada Hargeysa  loogu soo gaba gabeeyay tababar u socday muddo toban maalmood ah oo kor loogu qaadayay  hanaanka xirfadooda  waxbarista.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda  Geeska Afrika waxa ugu horayn kahadlay gudoomiyaha xafiiska  wax-barashada  ee hay’adda Geeska afrika Sh. Ciise  Maxamuud C/llahi, waxaanuu sheegay in ujeedada tabarka loo qabtay ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada  gaarka loo leeyahay ee ay maamusho hay’adaasi, waxaanuu sheekhu intaa raaciyey in tababarkani aanu ahayn mid  hargeysa oo keliya ay ku qabteen  balse sidoo kale Burcana lagu qabtay.

Gudoomiyaha Hay’adda Geeska Afrika , Sheekh Maxamed Cali Geedi, oo isna halkaa ka hadlayey ayaa waxa uu sheegay in tababarada  noocan oo kale ahi ay yihiin kuwo lagu qiimaynaayo macalimiinta Dugsiyada ka dhiga, si loo helo macalimiin tayo leh  oo la jaan qaada horuumarka  heerka waxbarashada.

Sheekh Maxamed cali Geedi, waxa uu halkaasi uga mahad-naqay macalimiinta  Tababarkan  bixisay oo  ka socday wasaarada wax-barashada Jamhuriyada Somaliland, sidii  ay waqtigooda iyo dedaalkoodaba u siiyeen mudadii uu tababarku socday.Ku-xigeenka agaasimaha waaxda dugsiyada gaarka ah ee wasaarada Wax-barashada Siciid Xaaji cali(Siciid talaabo), oo  Geba-gebadii  xidhitaanka tababarka ka hadlay ayaa waxa uu  tafaasiikl ka bixiyey  wax-tarka iyo faa’iidada aqooneed ee tababarada noocan oo kale ah ay macalimiintu ka korodhsadaan iyo sida   ay lagama    maar-maan u tahay in macalimiintu ay helaan tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda. Waxaanuu ugu danbayn kula dardaarmay macalimiinta tababarka dhamaysatay in culuuntii ay korodhsadeen  ay kula noqdeen dugsiyada ay wax ka dhigaan,faa’iidada tababarka ay ka korodh-sadeena ay ka muuqato Ardayda ay  wax u dhigaan.gebagebadii waxa halkaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyey  shahaadooyin iyo abaal-marino macalimiintii tababarku u dhamaaday.

Hargaysa SDN.

Comments are closed