|

Reer Galbeedka oo ururinaya xogta Maaliyada iyo Mulkiileyaasha xukuumada Muuse Biixi

Hargeysa Feb 25, 2023 (QJ) – Dawladaha reer Galbeedka ayaa bilaabay ururinta xogta maxkamadeynta mulkiileyaasha xukuumada Muuse Biixi ka dib kolkii uu ka dhego adeygay soo jeedimihii joojinta dagaalka Laascaano.

Reer Galbeedka ayaa helay xogo uu moodayay Muuse iyo adeegayaashiisu in ay u xafidan yihiin, waxaana la doonayaa in loo adeegsado maxkamadeynta isaga iyo inta la shaqeysata.

Reer Galbeedka oo hore dad ugu darsaday dad u ururiya xogaha noocan ah ayaa haatan durba bilaabay isku duba ridka isticmaalkooda.

Waxa la filayaa in dhawaan bilaabato xanibaadaha safarada iyo hantida dadka ka agdhaw madaxtooyada Hargeysa.

Waxaana durba cabsiyi soo wejahday mulkiileyaasha xukuumada Muuse Biixi iyo kuwa ku keliyeystay gaboodfalada dalka ka jira.

Mareykanka ayaana maanta qaaday tilaabadii u horeysay ee lagu shaaciyay in lala xisaabtamayo cidii ka danbeysa rayidka lagu leynayo Laascaano.

Comments are closed