|

Mareykanka: Waa lala xisaabtamayaa cida amartay dilka Shacabka Laascaanood

Washington Feb 25, 2023 (QJ) – War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka oo lagu baahiyey barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in lala xisaabtami doono dadkii ka dambeeyey dagaallada magaalada Laascaanood oo socda muddo saddex todobaad ah, isla markaana ay ku lug lahaayeen ciidamada Somaliland iyo xoogagga ka soo horjeeda.

“Dowladda Mareykanka waxay cambaareyneysaa sii socoshada weerarada aan kala sooca laheyn oo daraasiin shacab ah ku dilay Laascaanood, islamarkaana in ka badan 185,000 oo qof ka barakiciyey guryahooda, Rabshadaha waa in la joojiyaa, islamarkaana kuwa mas’uulka ka ah lala xisaabtamaa” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka oo lagu faafiyay Twitter.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore loogu eedeeyay inay awood xad-dhaaf ah u adeegsatay dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaaladaas, taasoo sababtay dhimasho badan.

Dawladda Maraykanka iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya waxay ku booriyeen Somaliland inay joojiso colaadda oo ay ka shaqeyso sidii xal nabadeed loo gaadhi lahaa, iyagoo ka digay rabshado kale oo sii kordha.

Xukuumada mudo xileedkeedu dhamaaday ayaanse taa dheg jalaq u siin ilaa iyo haatan.

Hadalkan ayaa soo baxaya maalin uun ka dib booqasho uu Hargeysa ku tegey siihayaha safaarada Mareykanka ee Muqdisho, isla markaana u sheegay Muuse Biixi in uu bilaa shuruud dagaalka ku joojiyo.

Comments are closed