|

Roobab lagu diirsaday oo ka hooray caasimada Jabuuti

jabuuti

Jabuuti,25,7,2016 (QJ/SDN) – Caasimada Jabuuti ayaa waxaa ka da’ay roobab laxaad leh kuwaas oo lagu diirsaday.

Xiligaan ayaan looga baran magaaladaa roobab sidaa laxaad u leh hase ahaatee waxaad moodaa inay kasoo hor mareen waqtigoodii. Roobabkaa ayaa aad loogu qabowsaday iyadoo guud ahaan dalka Jabuuti oo dhan cimiladiisu ay tahay mid aad u kulul.

Khaas ahaan, roobabkaa ayaa hooray xilli ay dhacayeen dabeylo hongarre iyo kul watay.

Roobabkaa ayaa caasimada Jabuuti dhigay biyo badan meel walba biyahaa oo meelo badan qottoma.

Waqtigaan ayaa lagu jiraa bartamaha xagaaga dalkaa Jabuuti iyadoo caadiyan looga bartay hawo kulul iyo inay dhacaan dabeylaha hongarraha wata oo dalkaa looga yaqaano ‘khamsiin’.

Comments are closed