|

Shabeel Halis ah oo Weerar ku Qaaday Meel Cidlo ahna ku Cunay Haweenay Ku Sugnayd Goob dalxiis oo ku Taala Dalka Shiinaha DAAWO

Shabeel halis ahLondon 26.July 2016 (SDN/QJ):- Waxaa warbaahinta caalamka ku faahay muuqaal laga arga goxo oo Shabeel uu la Booday haweenayay ku sugnayd goob xayaawan.

Waxaa toos loo daawaday, haweenayda oo gaadhi kasoo daganaysa oo dhinaca kale ee gaadhiga albaabkiisa furtay, waxaase durba la booday bahal xoog wayn oo lagu sheegay Shabeel.

Dhacdadani waxay ka dhacday dalka Shiinaha, gaar ahaan meel aan aad uga fogayn, darbiga way nee Shiinaha. Shabeelka ayaa cunay haweenaydaas.

Haweenayda Shabeelka Dhagar qabaha ahi la booday ayaa la sheegay inay murmeen qof qoyskeeda kamid ah kadibna ay gaadhiga ka baxday .

Haweenay kale ayaa iyadana dhaawac xun soo gaadhay.

Labada haweenka ahba waxa la sheegay in loo digay oo la sheegay inaysan gaadhiga ka bixin, balse ay ka dhaga adaygeen amarkaas.

Comments are closed