|

Jidka Dawga Sheekh oo Gelinkii Hore ee Maanta Xayirnaa Kadib Markii ay Jareen Dad ka Gadoodsan Xukunkii Maxkamada Ciidamada ee Shalay Iyo Wasiir Warancade oo ka hadlay

Sheekh 25.July 2016 (SDN/QJ):-Mudaharaad lagaga soo horjeedo xukunkii ay shalay Maxkamada Milatariga Somaliland ku Ridey Sideed eedeysane oo loo haystay dilkii Talliyihii qaybta ee Gobolka Saaxil ayaa maanta ka dhacay Magaalada Sheekh.

Ma Jiraan wax khasaare nafeed oo  ka dhashay mudaharaadkan balse waxaa burbur soo gaadhey gaadiid iyo meherado ganacsi.dhalinyaro gadoodsan iyo dumar ayaa taayir ku gubey wadooyinka waaweyn ee magaalada Sheekh kuwaasi oo markii dambe ciidamada boolisku kala kaxeeyay.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde  oo maanta galinkii dambe wareysi khaas ah siiyay TVga Star ayaa shacabka uga digay inay sameeyaan Mudaharaado wax yeelaya nabada Somaliland.

Wasiir Warancade waxaa kale oo uu sheegay in Shacabka looga baahanyahay inay Cabasho soo gudbiyaan ka hor intaanay sameyn mudaharaadka si haayadaha dawlada ama cid ay khuseyso cabashadaasi uga Jawaabaan.

Mudaharaadka Sheekh2Dhanka Kale Waxaa Degmada Sheekh Gaadhay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Cutub ka tirsan Ciidanka Booliska kuwaas oo kala kaxeeyay dadkii Gadoodsanaa.

Comments are closed