|

Roobab lagu Qabowsaday Oo Habeenkii Xalay Ka Da’ay Hargeysa iyo Hareeraheeda

Hargeysa:April,30,2014(SDN/QJ)-Waxa Habeenkii Xalay Rooab si aad ah loogu qabowsaday ay ka da’een Caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo waliba Goobo badan oo Hareeraha ka xiga.

waddeeRoobabkan ayaa bilaabmay Abaaro 12:00AM-Habeenimo, waxana ay maasheeyeen Magaalada Caasimadda iyo Dhul ballaadhan oo  dhinacyada ka xiga, waxana ay shacabka iyo duunyada kale ee Halkaasi ku nooli dareemeen naxariis iyo qabow ay kaga baxeen Kulayll laxaad leh oo markii hore haystay.

Tuulooyinka iyo Magaalooyinka Caasimadda Dhinacyada Waqooyiga iyo Koonfurta ka xiga ayaa lagu soo warramayaa inuu Roobkani si fiican uga  da’ay, halkaas oo dad iyo Duunyo-ba si weyn loogu   maashaystay.

 Goobaha iliiladaha ah ee caasimadda dhex mara ayaa saaka biyo qul-qulayaan, waxana ay biyahaas intooda badani ka yimaadeen dhinaca Galbeedka Caasimadda oo Roobka quwaddiisu ku fadhiday.

Ilaa iyo haatan lama sheegin wax khasaare ah oo roobkasi geystay, waxana uu roobkani ku soo beegmayaa xilli abaaro halis badan ku fadhiyaan Goobo badan oo ka mid ah Somaliland, isla-markaana hore dalka looga oogay salaad Roob-doon ah.

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed