|

Roobab Laxaadkiisu Weyn yahay oo si Xidhiidh ah uga Da’aya Caasimadda Shiinaha,Dadka oo La Daad Guraynayo & Goobihii Dalxiiska oo la Xidhay

Bejin 16. August 2017 (SDN/QJ):- Roobab laxaadle oo si xidhiidha uga da’aya Caasimada dalka shiinaha ee Bejin ayaa sababay in Ilaa Afar boqol oo Qoys Goobihi ay deanaayeen laga daad guriyeeyo isla markaana la xidho dhammaan Goobihii dalxiiska.

Bayaan ka soo Baxay Dawladda Hoose ee Magaalada Bejiin ayaa ku taliyey inay dadku ka durkaan dhammaan meelaha biya mareenada ah iyo dhulka Buuralayda ah ,Lana xidho dhamaan goobaha dalxiiska iyada oo jidadka magaalada ay noqdeen Togag rogmaya..

Waxa kale oo Bayaanka lagu sheegey in laga cabsi qabo in Hanqadhka Onkodka iyo Hillaca iyo Roobabku ay sii socdaan maalmaha yar ee inagu soo aadan.

Masuuliyiinta Caasimada Bejiin waxa ay sheegeen in albaabada loo xidhay ilaa boqol iyo Kow iyo Todobaatan(171)Goobood oo kuwa dalxiiska ah lana baajiyey boqlaal Duulimaad Roobabka oo da’ayey dhawr caano maal awgood.

Comments are closed