|

Dagaalo Qadhaadh oo Ka Socdo Magaalada Raqa ee Suuriya Xoogaga Isbahaysiga oo Kala Badh Magaaladaasi Gacanta ku haya

Raqa 16. August 2017 (SDN/QJ):- Wakaaladda Wararka ee France press ayaa sheegtay inay dagaalo Culusi ay ka dhacayaann Magaaladda Raqa  ee dalka suuriya ee xarunta u ah Ururka Daacish halkaasi oo xoogagga Daacish ay dagaaladu ku dhexmareen isbahaysiga kurdiyiinta ee Mareykanku taageero.

Dagaalka ayaa laysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ,iyada oo Dayuuradaha dagaalka ee Mareykankuna ay  Duqayn xoogan u gaysteen  jiidaha ay ku sugan yihiin Ciidanka daacish.

 

Wararku waxa ay sheegayaan in in Xoogaga isbahaysiga oo waqti hore soo galay magaalada Raqa ay u muuqdaan inay haatan gacanta ku hayaan  kala badh in ka badan magaalada.

Comments are closed