|

“Runtii Waxaan Aaminsanahay Hadii Shacabka Loo Sheegi Lahaa In Dumarku Dahabkooda Iibin Lahaayeen & Ninkii Maal-le Waayo Ictiraafka Ayaa Uga Muhiimsan Shacabka.” Prof Bulxan

Hargaysa 23. July 2017 (SDN/QJ):- Dr. bulxan ayaa si faahfaahsan uga waramay sidii ictiraaf loogu heli lahaa wadankan somaliland ee sodon sanno ku dhawaad ka kaligii isku taagay iyo jaanisyadii dhaafay in ictiraaf lagu heli lahaa.

Waxaa uu tilmaamay madaxweyne afrikaan ah oo yidhi waan idin ictiraafayaa ee lacag shan milyan ah I sii oo ay iska dhago mariyeen mas’uuliyiinta dalku.

Dr. bulxan oo arimaas iyo qaar kale oo badan ka hadlaya ayaa ku bilaabay sidan: “Wada hadalka Somaliland iyo somaliya runtii anigu waxaan qabaa markii uu go’aansaday madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilaanyo in lawada hadlo oo somaliya lala hadlo waxaan u arkaa go’aan wanaagsan oo waliba dhiiran uu ahaa, wakhti badan baynu lahayn ma wada hadli karno markaa go’aankaa uu sameeyay waxaan u arkay talaabo muhiim ah oo wanaagsan, cid aad wax isku haysataan hadaanad la hadlin si aad ula hadasho-ba de meel aad tagayso ayaaban iska badnayn markaa go’aankaas waxaan u arkaa mid wanaagsan, intaynu taagnayn lama hadlayno oo marka ay wax noqdaan baynu lahadlaynaa go’aan khaldan buu ahaa oo waayo aduunyada kale waxaa jirta mid kale aad wax isku haysataan oo aanay maamul lahayn ama aanay dawlad lahayn waxa weeyi fursada ugu wanaagsan ee aad heli lahayd oo aad adigu samayn lahayd dawlad ahaan, dawladaa adiga abuuri lahaa oo shuruudeheeduna yihiin wixii aad doonayso inaad ka helayso marka waynu dayacnay, waa inan yar oo waan ka weynahay ee hasoo waynaado oo lama hadlayo ilaa inta uu soo weynaanayo ayeynu taaganahay maanta.

 

Somaliya haday diidan tahay inay Somaliland go’do, itoobiya may ogolaateen inay eratariya ka go’do dagaal bay ka xigi lahaayeen waliba iyagoo awood badan oo waliba dagaalka xigeen, laakiin maxay sameeyeen eratayaanku waxay samayeen tikraygii halkanka ku jiray ayey soo kolkooliyeen ay gacan siiyeen oo ay awood siiyeen adis inay qabsadaan heshiiskuna wuxuu ahaa inay ictiraafaan markay qabsadaan dabadeed markay qabsadeen bay ictiraafeen. Taasi way ina dhaaftay.

 

Waxa taas ka daran oo xaqiiq ah dawlad muhiim ah oo afrikaan ahi ay soo gaadho inay tidhaahdo nin la yaqaano oo awood leh, magac leh oo karti lahaa inuu idhaahdo sow ma doonaysaan ictiraaf cid idinku dhawaaqda ictiraaf waxaad I siisaan shan milyan oo dollar oo kaliya waliba hay qadiminee laba milyan iyo badh I siisiiya anna waxaan idin keenaya laba dal oo kale oo igu raaca ictiraafka aad doonaysaan oo waliba intaanu tagno AU-da oo halkaa aanu kaga dhawaaqno wixii kale ee aanu qabsan karno-na aanu qabano laba iyo badhka hadhay nasoo siiya oo aanu la baayac tanay ninkii ictiraafka noo waday, runtii marka la eego hawshaas lacag badan may ahay waayo waxa laga ururin karayeey shacabka, qurbe joogta iyo ganacsatada dalka.

 

Runtii waxaan aamin sanahay hadii shacabka loo sheegi lahaa in ay dumarku soo iibin lahaayeen dahabkooda iyo ninkii maal lahaa waayo ictiraafka ayaa uga muhiimsan shacabka lacagta laakiin taasi way ina dhaaftay.”

Comments are closed