|

Saadaasha Siyaasadeed iyo Dhaqaale ee mandaqada ay ku taal Somaliland

Asalaamu Alaykum waraxmatulaahi wa barakaatuh, waxaan salaan qaaliya hawada u marinayaa dhamaan shaqaalaha iyo maamulka shabakadaha Somaliland  iyo waliba akhristayaasheeda sharafta leh ee ku xidhan  shabakadahan.

Bacda salaan hadaan u dhaadhaco dulucda maqaalkan waxaynu ku faalayn doonaa inaynu wax kaga ogaano dhacdooyinkii mandaqada ka dhacay gaar ahaan sida; wareejinta Dekeda Berbera, heshiisyada ay Somaliland la saxeexatay Ethiopia iyo Dubai, iyo waliiba cilaaqaadka curdinka ah ee u bilaabmay Somaliland iyo wadamada Carabta, gaar ahaan Masar, Sacuudiga, iyo Isutaga Imaaraatka Carabta.

Su’aasha ugu horaysa ee mudan inaynu is weydiino ayaa ah in la saadaaliyo sida ay wax u dhici karaan mustaqbalka dhaw iyo ka fog labadaba, maxaa faa’iido ama khasaare uugu jira Somaliland?

Hadaba hadaynu qodobadan kor ku xusan falanqayno ama saadaalino, wareejinta iyo kiraynta dekeda Berbera waa arin ay ahmiyad weyni uugu jirto Umada reer Somaliland dawlad iyo shacaba, xataa musuqmaansuqa ku jiraa intuu doono ha leekaadee!(15 M $  )   Xaqul qalam.

Waa inay Berberi soo ceshetaa magacii iyo sumcadii ay aduunka ku lahayd oo ay noqotaa ilo dhaqaale iyo maalgashi caalami ahi ka soo galo Jamhuuriyada, macnaheeduna yahay inay Somaliland sidoo kale fursad u hesho ay ku furato daaqadii u horaysay ee lagu hanankaro aqoonsi caalami ah, waa hadii si fiican loo maamulo loogana faa’iideysto.

Su’aasha labaad oo ah tan ugu muhiimsan in la fahmo ayaa ah, Maxaa ku kalifaya in wadan carbeed oo dhaqaale iyo quwad caalaami intaba haystaa uu lacag xadigeedu intaas dhan yahay ku maal gashado dawlad yar oo curdin ah oo aan la aqoonsanayn?

Hadaba fahanka ama ka jawaabista su’aashani si ay inoogu fududaato waxaan akhristayaasha sharafte leh ka codsanayaa inay dib u jaleecaan dhacdooyinkii u danbeeyey ee bada-cas ka dhacay iyo loolanka loogu jiro  maamulkiisa hada. Waxaan uula jeedaa Sacuudiga Vs Iran iyo labadooda xulafo.

Colaadaha ka oogan mandaqada sida, dagaalka Yemen, Muranka biyaha Webiga Niil, quwadaha soo koraya ee doonaya inay mandaqada awooda kama danbaysta ah ku yeeshaan, tusaaale ahaan sida (Ethiopia, Kenya, iyo Masar).

Hadaan idiin soo koobo ama uruursho dulucda heshiiskan Berberi waxa uu salka ku hayaa colaadaha ka aloosan mandaqada ee kor ku xusan.

Mustaqbalka hadii uu dagaal ka dhaco gacanka carbeed, marin badeedka Hurmuz wuu xidhmayaa, Iran ayaana maamulkiisa gacanta ku haysa. Waana marinka kaliya ee dhaqaale ee wadamada carbeed leeyihiin ama isticmaalaan.

Sidaas darteed ayey Sacuudiga iyo Xulafadiisa khaliijku waxay ku dagaalamayaan in marinka labaad oo ah Baab Al Mandam aanu xidhmin oo uu maamulkiisu isna gacanta Iran gelin. Hadaba si aan loo hareerayn ama cunaqabatayn dhaqaale ugu dhicin waa inuu furnaadaa Baab Al Mandam.  Waana sababta keentay dagaalka Yemen. Akhriste waxaynu arki doonaa diyaaradaha dagaalka ee wadamada khaliijka iyo xulufadooda oo isticmaalaaya Berbera.

Isweydiintan ugu danbaysa oo ah ta uugu mudan ayaa ah, sidee ayey Somaliland uuga faa’iidaysan kartaa isbedeladan mandaqada ka socda?

 

 

Jawaabta su’aashuna waxay hoos imanaysaa gudida bilaa faa’iidada ah ee Xukumadan Kulmiye dhsitay. Sababtoo ah wax galaan gal caalami ah kuma laha aduunweynaha, waxayna gudi ku sheegtu ka kooban tahay ashkhaas shacab u badan oo aan awood  iyo aqoon buuxda midna aduun weynaha ku lahayn.

Guntii iyo Gebo-gebodii Somaliland waxay u baahan tahay inay u fiirsato oo is bedel ku samayso siyaasadeeda arimaha dibeda. Loolanka ka jira mandaqadu weji walba ha lahaadee waa in danta qaranka Jamhuuriyada Somaliland ka dhex muuqaataa.

Hadaba si lagu gaadho taas waxay u baahan tahay Somaliland inay dhisto Haayad gaar ah oo dad tayo aqooneed leh ka shaqeeyaan, haayadaas oo ah (National  Security Department) oo shaqadeeduna noqoto dejinta iyo ka fiirsashada Siyaasada iyo Amniga caalimaga ah ee Somaliland, taasi oo ka talo bixisa talaabo walba oo ay xukumad kastaa qaadayso haday noqoto, Siyaasada Arimaha dibeda, ta amniga, Ta dhaqaalaha iyo kobcinta kaabayaasha, noocyada cilaaqaadka ama xulafaysiga ay Somaliland la yeelanayso aduunweynaha, gaar ahaan wadamada jaarka ama kuwa danuhu inaga dhaxeeyo.

Hadaba hadii la dhiso haayad tayo leh oo qabata dhamaan qodobadan aynu kor kusoo xusnay, talooyinka ay haayadani bixisana lagu dhaqmo, waxay sahli doontaa dhamaan himilooyinka ay umadeenu hiigsanayso haday noqoto mid amni, dhaqaale, iyo siyaasadeedba.

Wa bilaahi Tawfiiq,

Caaqil. Abdirahman Hassan Haji Adan

Ludvika, Sweden

 

Comments are closed