|

“Saami Qaybsi Ama Shirqool” Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Ucid Cali Guray oo aaminsan in Saami qaybsigu Keenayo Mudo Kordhin Iyo Wanjalka lala Maagan yahay Labada Xisbi Mucaarid

Hargaysa 01.July 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa ka hadlay Shirarka ay Sadexda Xisbi qaran ka leeyihiin Sidii ay Xal uga Gaadhi lahaayeen Saami qaybsiga Gobolada ee Kuraasta aqalka Wakiiladda Waxaanu Sheegay inuu u arko Qadiyadan Mid lagu Shirqoolayo Mudo kordhin loo sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Cali Guray okCali Guray ayaa Qoraal uu ku faafiyey Degelka uu ku Leeyahay Shabakada Isku Xidhka Bulshada ee Facebook Waxa uu ku Yidhi “Arinka saami qaybsiga kuraasida Wakiilada waxa laga yaabaa in uu noqon karo shirqool la doonayo in qiil looga dhigto muddo kordhin kale ee doorashooyinka mudaysan bisha March 2017 ama in la kala qaado oo mid ahaan dib loo riixo in kasta oo inta shirqoolkan wadataa laga yaabo inay ku kala duwan yihiin ta dib loo riixayo oo qaar ay leeyihiin ta Wakiilada dib ha loo riixo kuwo kalena ay wadaan in ta Madaxtooyada dib loo riixo.

Runtii maan fahmin danta ugu jirta labada xisbi mucaarid inay arin aanay go’aankiisa waxba ku yeelan doonin lagu soo geliyo wada tashi si eeda beri ka maalin cidii lahayd ee sidii ay ku talo gashay xaalku noqday ay ku raad gataaan oo loo dhigo arin ku yimi talo loo wada dhan yahay oo xisbiyada mucaaridka ahina ay qayb ka ahaayeen kuna yimi wada tashi loo wada dhan yahay.

Bal gartay WADDANI oo Gudoomiaha xisbigoodu yahay Gudoomiya Wakiiladana xildhibaanada sheegta mucaaridka oo aanay waxba ku kala duwanayn ku muxaafidka sheegtana ay inta ugu badani xisbigooda yihiine, ee UCID oo tiisiiba ka wada tashan kari waayay wax aragti ah oo dhinaca saami qaybsiga ka leeyihiin aanay jirin lagana yaabo in aanay isku taloba ka ahayn waxa ugu jira inay wada tashi muhmal ah qayb ka noqdaan hadii aan Gudoomyaha UCID keligii heshiis kula jirin Kulmiye oo aan la isticmaalayn. Waayo dee inta aanu cid kale la tashan wuxu ku hogaamin lahaa xisbigiisa talo xisbi oo la isla qaatay.

Markaa anigu diyaar uma ihi in wax aanan waxba kala socon shanta is kala galo eedana wax ku yeesho. Hadiise wax wanaagsan oo la isla ogol yahay oo dalka iyo dadka dan u ahi ka soo baxo waan ku qasbanahay in aan ogolaado guul aanan anigu shakhsi ahaan waxba ku lahayn intii ka qaybgashayna waan ku hambalyayn.

Dhinaca kale saami qaybsigii hore marka daaqadda laga tuuro ka keliya ee kale wuxu niqonayaa natiijada diiwaangelinta iyo gobol walba tiradiisa xaqa u leh inay codeeyaan. Taa lafteeda ayaan filayaa in aan la isla ogolaan karin.
Waxan maqlayay Akadamiga Nabadda ayaa arintii la wadwaday ee saami qaybsiga kuraasida Wakiilada lagaga wada hadlay. Intii ka qaybgashay dhinacyaday doonaaba ha kala noqdaan eh waxay sheegeen yaa haya? Ma jirto bay ila tahay. Waayo waxay ka wada hadleen wax aan jirin oy ogyihiin in aanay natiijo la isla ogol yahay ka soo bixi Karin. Hadiiba ay ka soo baxdo, bal iga qora, oo anu noqon go’aanku doorashada oo wakhtigeedi ah marna wada qabsoonta iyo saami qaybsiga oo mar kale sidii hore lagu galo.

Waayo waxa soo raaci karaa waa muddo kordhin iyaduna waa salaan iyo kala taga. Markaa cid jecel iyo cid aan jeclaynba waa lagu wada qasban tahay. Hadii intaa aan sheegay wax aan ahayni ka soo baxo kutubta Caligurey guba. Waa Somaliland la kala diro iyo in duuduub lagu liqo xalka keliya ee jira si ay doorasho u qabsoonto Somaliland ku badbaado. Madaxwaynaha laftiisa waxa looga fadhiyaa doorasho xor iyo xalaal ah oo u noqon karta wax looga aayo uu dhaxal uga tago laguna xusuusan karo.(legacy). Hadii kale isna hoog Somalilandna hooji.
Akadamiga Nabaddu ma jirto diraasad cilmi ku fadhida oo arinta saami qaybsiga kuraasida wakiilada uu ku sameeyay oo isagu uu soo bandhigayaa dhexnimadiisa lafteeda sua’aal baa aniga ii saaran. Wax ay ku soo biirinayaan kulanka ay Qabanqaabiyeen ma jiro kaalintooda maan garan hadii aanay ahayn “facilitation only” sidii u caadada ahayd.
Markaa bal aan sugno saami qaybsiga cadaaladda ah ee ka soo baxa wada tashiga loo dhan yahay ee la sheegayo

Comments are closed