|

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah oo cambaareeyay weeraradii Muqdisho

Muqdisho. 30 October, 2022. (QJ)-  Saacadihii lasoo dhaafay waxa sii kordhaya wadamada caalamka ee tiiraanyada la qaybsanaya shacabka Soomaaliya ee wax yeeladu kasoo agadhay weeraradii sahlay, iyadoo ay si adag u ambaareeyeen.

Dalalka Turkiga iyo Qadar ayaa si weyn u cambaareyay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Mudisho, kuwaas oo in ka badan 100 qof ay ku dhinteen ugu yaraan 300 kalena ay ku dhaawacmeen.

“Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ku celisay diidmada adag ee Qadar ee ku aaddan rabshadaha argagixisanimada la xiriira iyo sababaha dhiirragaliya” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Qadar.

Dowladda Turkiga ayaa iyana sheegtay inay aad uga xun tahay weeraradii shalay.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa falkaas foosha xun ee argagixisanimada ahaa, waxaana u rajeyneynaa in Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxaan tacsi u direynaa ehelada iyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee aynu nahay saaxiibada iyo walaalaha” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Comments are closed