|

Muuse Biixi oo ku dhawaaqay in uu jadwalkii komishanka doorashooyinka raacayo

Hargeysa. 30 October, 2022. (QJ)- 1da bishii October ayay ahayd markii muddo kordhin labo sanno ah ay xukuumadda Somaliland u sameeyeen Golaha Guurtida ee Somaliland, oo iyaguna isla fadhigaas ku korodhsaday muddo 5 sanno ah, taas oo aan hore u dhicin.

Muran xoogan ayaa ka dhashay muddo kordhintaa, iyadoo noqotay muddo kordhintii ugu horaysay taariikhda Somaliland ee murankeedu uu gaadho in beelaha qaar ay go’aano ka dhan ah soo saaraan.

Iyadoo muranada iyo diidmada muddo kordhitani ay taagan yihiin ayaa hadana warar kasoo baxay xukuumadda Somaliland iyo xubno ka mdi ahiba ay su’aalo kale dhalinayaan, iyadoo aan illaa hadda la ogayn mawqifka madaxweynaha ee muddo kordhintan.

Hadaba war maanta kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in doorashooyinka la qabanayo sanadka danbe ee 2023 iyada oo la raacayo jadwalka gudida doorashooyinka qaranka.

Warka madaxtooyada waxa lagu sheegay in iyada oo laga duulayo miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2023 ay komishanku haystaan imkaaniayadkii lagu qaban lahaa diwaan gelinta si doorashooyinka loo qabto sanadka 2023 iyada oo la raacayo jadwalka komishanka.

Wasiirka Tiknoolajiyadda ayaa sina Khamiistii yidhi “Go’aanka Xukuumadda JSL waa in labada dooraaho ee Xisbiyada/Ururada iyo Madaxwaynaha la qabto sanadka 2023, loo qabtana sida ay u kala horeeyaan waana sababta Miisaaniyadda Qaranka 2023 ee maanta la ansixiyay mudnaanta loo siiyay qabashada doorashooyinka.”

Hadaba suaashu waxay tahay meeday muddo kordhintii Guurtidu u samaysay xukuumadda. Muxuu yahay mawqifka xukuumadda ee rasmiga ahi. Ma mudadii komishanka ayuu madaxweynuhu qaatay mise shax u qarsoon weli ayaa jirta?

Huabnti la’aanta ay Somaliland wajahayso ayaa sii xoogaysanaysa saacadba ta ka danbaysa iyadoo dhinacyada siyaasaddu ay sii kala fogaanayaan.

Comments are closed