Somaliland waxay qaranimadeedii la soo noqotay 1991,dhacdooyinkii hubinta qaranimada iyo xaqiijinta dowladnimo ee aynu sida wacan u wada xusuusano waxaa ka mid ahaa talaabooyinkii dhamaan reer somaliland miyo iyo magaalo gacmaha ay isku qabsadeen haday tahay qarameenta ciidamada,xarumaha kastamada soo xareeya dakhliga iyo cashuuraha,wakaaladaha iyo wasaaradaha iyo qarameentii dhamaan shaqaalaha dawlada waax kasta ay ka hawl galaanba.
Reer Somaliland waxay ku wada heshiiyeen inay iyagoo ka wada raali ah nin waliba meesha iyo xilka dowladu u dhiibto uu ahaado xil uu u hayo qaranka Somaliland iyo dadka reer Somaliland isagoo ugu shaqeynaya dhaarta uu isagu dhaartay ama masuulka magacaabay uu ugu dhaartay inuu si cadaalad ah oo aan qabyaaladi ku jirin uu xilkiisa u guto.
Marka aynu intaa isla garano iyo in shaqaalaha dowladu waax kasta ay joogaan inay tahay shaqadoodu mid qaran qabiilna ka madax banaan tahay, hadaba aynu u gudubno dulucda maqaalkayga oo ku saabsan wareerka ka taagan wasaarada warfaafinta Somaliland.
Aniga oo shakhsi ahaan ah nin mihnada saxaafada muddo aad u dheer ku soo dhex jiray una soo shaqeeyay haayado badan oo dowli ah iyo kuwo maxali ahba,waxaan hoosta ka xariiqayaa in wasaaradani tahay wasaarada umadda isku haysa, ama ay tahay shaashada dadka reer Somaliland loo baahan yahay inay iska dhex arkaan ama iska wada maqlaan.
Mar labaad wasaaradani waa laf dhabarta wasaaradaha sababtoo ah waa wasaarada bulshada sida tooska ah ugu xidhan mid miyi jooga iyo mid magaalo joogaba waa halka bulshada ku soo xidha qaranimada kuna barbaarisa ubadka iyo jiilka soo kacaya macnaha qaranimada iyo macaanka wadaniyada isla markaana waa wasaarada ay waajibaadkeeda ka mid tahay in bulshada lagaga daweeyo cudurka qabiilka iyo qabyaalada.
Hadaba waxaa hubaal ah in ay wasaaradani tahay indhihii iyo dhegihii umadda iyo codkii qaranimada Somaliland iyo mishiinkii wadaniyada.
Wasaaradan warfaafinta waxaa soo maray tiro wasiiro ah oo u kala dambeeyay maamulkeeda, kuwaas oo intooda badan ama dhamaantoodba aan idhaahdee wax waayo aragnimo ah u lahayn mihnada saxaafada marka laga reebo Wasiir C/lahi M. Dahir Cukuse iyo Boobe Y. Ducaale.
Maalintii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u magacaabay Cukuse wasiirka, waxaa dhacday dhamaan saxaafada Somaliland iyo ururadoodu inay u dabaal dageen aadna usoo dhaweeyeen xilka loo magacaabay saaxiibkood ay isku bahda ahaayeen, isla markaana ay madaxweynaha uga mahad naqeyn xilkaa uu Madaxweynuhu u gartay ninkii haboonaa meeshii ku habooneyd.
Wasiir Cukuse Waa Kuma ?
Wasiir Cukuse waa nin Ilaahay karti,wax qabad iyo aqoonba u siiyey mihnada saxaafada iyo waayaheeda ahna nin aan ka gaban ereyga xaqa ah inuu sheego wax walba ha ku kacdee.
Wasiirku muu ahayn nin ku cusub wasaaradan warfaafinta balse wuxuu ahaa nin dhamaan heerarka kala duwan ee shaqaalanimo iyo jaranjarooyinka xilalka madaxnimo ka soo qabtay wasaaradan intay somaliland jirtayba,marka laga yimaado wariyanimo waxaa ka mid ahaa xilalka uu ka soo qabtay; maamulaha idaacada, agaasimaha guud ee wasaarada,wasiir ku xigeen iyo imika oo uu wasiir ka noqdayba, waxaana la odhan karaa run ahaantii saxaafada dalka waxaa looga dhigay wasiir aabihii saxaafada Somaliland.
Hadaba inagoo sidaa usoo sheegnay shakhsiga uu yahay Mr.Cukuse iyo wasaaradu waxay tahayba ayaa hadana bulshada Somaliland waxaa ka degi weyday Wasiir Cukuse ayaa laga cabanayaa oo shaqadii wasaarada uu ka waday dadka qaar saluugeen.
*Cudurka kaa gala Fardaha hadii laga gubo Dameer Dawada lama gaadhayo*
Anigoo sidaan hore idiinkusoo taabtay aqoontaan u leeyahay saxaafada iyo waayaheeda ahna xog ogaal aad ula socday khilaafka iyo muranka ka taagan wasaarada warfaafinta iyo waxa sababay ayaan jecleystay inaan idin la wadaago xaqiiqada dhabta ah ee meesha ka jirta iyo halka ay salka ku haysaba.
*Arrin muhiim ah oo dareenkiisu maalinba maalinta ka dambeysa sii badanayo oo dulqaadkiisuna maalinba maalinta ka dambeysa sii yaraanayo*
*Bishii 12aad 2013 wuxuu go’aamiyey wasiirku in wasaaradan iyo sida looga shaqeeyo uu reform ku sameeyo ama dib u eegis , dib u qiimeyn iyo in Ilaahaybaa cadaalada sameeyee cadaalad lagu dhaweeyo qaab dhismeedka shaqaalaha iyo xuquuqda shaqaalaha wasaarada .
*Markuu Cukuse la wareegay wasaaradan waxaa u diiwaan gashanaa 554 qof oo ayna ku jirin fanaaniintu, isla markiiba wasiirku markuu arkay kala duwanaashaha tirada shaqaalaha ee meesha joogta iyo liiska mushaharka lagu bixiyo, wuxuu go’aan ku gaadhay inuu guddi u saaro soo xaqiijinta tirada rasmiga ah ee xalaasha ah, guddidaasi waxay ka koobneyd sidan;
Agaasimaha Guud ee wasaarada, maareeyaha tv-ga,agaasimaha idaacada, agaasimaha farsamada,gudoomiyaha wakaalada wararka iyo gudoomiyaha jariidada Dawan.
Baadhitaan dheer ka dib guddidii waxay soo saareen ama kula soo noqdeen wasiirka in tiradaas 554 ah ay ka hawlgalaan 116 qof oo keli ah inta soo hadhayna waxay jiifka ku qaataan dhamaan gunnooyinkii iyo mushaharkii inanka ama inanta hadh iyo habeen hawsha gacanta kula jiray ay qaadan jireen oo weliba daalkii,habsankii iyo hanjabaadu u dheertahay iyadoo dhanka kale 438 qof oo guryahooda jiifa ay isku wax ka qaataan wasaarada.
Qoladaas jiifka lacagta lagu siiyo (Caaglayaasha Saxaafada ) waxay noqdeen markii la baadhay laba nooc:
Koox shaqeyn lahayd lakin yidhaahda ama isku qanciyey waxba la iima dirin meeshana aan ka soo xaadirin iyo koox aad u fara badan oo inay shaqeeyaamba aan loo qorin shaqada ama si gaar ah loogu guneyn jiray oo markii horeba lagu qoray inay lacag uun ku qaataan iyagoo laga yaabo in xitaa qaar ka mid ah aanay aqoonba halka ay wasaaradu ku taalo oo lacagta uun qaadanayey waana kooxda badan labada.
Wasiirku markuu arkay natiijadii iyo talooyinkii ka soo baxay guddidan wuxuu qaaday talaabooyin uu kala tashaday isla guddidii soo baadhay arinkan.
*Bishii 1aad 2014 waxaa dhaqan galay sadexda qodob ee hoos ku qoran:
1.) laga bilaabo bisha january 2014 nin dambe oo aan wasaarada joogin ama aan ka soo xaadirin shaqada wax gunno ama mushahar ah kuma laha dowlada, si arintaas loo hubiyo waxaa la hir galiyey aalad ama mashiin wasaarada lagu rakibay oo qof waliba markuu soo galo iyo markuu dhameesto shaqada uu suulka saarayo,mushaharkuna taariikhdaas laga bilaabo wuxuu ku saleysnaanayaa nin walba saacadaha uu shaqeeyay ee mishiinku soo saaro.
2.) qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha oo la xaqiijiyo inuu shaqeysto hadana aan helin gunnadii iyo mushaharkii uu xaqa u lahaa in si toos ah oo bilaa shuruud ah xaqiisa loogu dhameystiro lana siiyo lacagta laga soo jaro kooxda fadhi ku macaashka ama caaglayaasha ah.
3.)In guddi anshaxa wasaarada ah la abuuro kuwaas oo ka mid ah shaqaale hoosaadka wasaarada waajibkooduna yahay qiimeynta, dalacsiinta iyo anshax marinta shaqaalaha.
Fadhigii uu kaga dhawaaqay wasiirku arinkaa waxaa ku dhamaa hoolka shirarka ee wasaarada dhamaan shaqaalihii wasaarada,7-da agaasime ee wasaarada iyo madax waaxeedyadii hoose.
Go’aankaas wasiirku hortooda ka akhriyey cod dheer ayaa lagu taageeray iyo weliba sacab aan kala joogsi lahayn iyagoo u arkayey inuu yahay go’aan cadaalad ku qotoma isla markaana uu ahaa go’aankii ay 24-ka sano sugayeen shaqaalaha xalaasha ah ee ka hawl gala wasaarada.
Sida aynu wada ognahay hawl kasta oo isbedel lagu sameenayo waxay leedahay caqabado iyo duruufo ka hor yimaada lakin wasiirku siduu u hadal cadcadaa waxaa laga dheehan karayey dhiiranaan iyo inuu diyaar u ahaa kuna soo tala galay wax kasta oo ay ku qaadato inuu sugo cadaalada,xuquuqda shaqaalaha iyo maamul wanaaga wasaarada.
Hadaba Caaglayaashii iyo koox madaxda wasaarada ka mid ah oo dhinac ah iyo wasiirkii iyo shaqaalihii xalaasha ahaa oo dhinac ah maxaa kala qabsaday…..La soco Q.2aad.
Allah ayaa mahad leh.
Qalinka Suxufi Sare
C/raxman Cali Xassan
Finland…
