|

Safaaradda Somalia Ee Sucuudiga Oo Xidhay Laba Wariye Oo Somaliland U Shaqeeya Kana Soo Warramayay Xaaladda Xujayda Somaliland DAAWO

xidhitaanka-labada-weriyeHargaysa 12.Sep 2016 (SDN/QJ):- Safaaradda Soomaaliya ee Sucuudiga ku taalla ayaa xidhay suxufiyiin Telefishanka qaranka Somaliland uga soo warama dalka Sucuudiga,kadib markii uu amray xadhiga suxufiyiinta safiirka Somalia u fadhiya Sucuudiga kadib markii ay soo diyaariyeen warar ku saabsan xujayda Somaliland .
Laban Suxufi oo kala ah Mustafe Yuusuf Cabaade Iyo Abdirisaaq Isaaq Ducaale ayaa lagu amray inaaay warar ku saabsan Somaliland ka diri karin,kadibna ay diideen amarkaasi Safaaradda.
Dhinac kale,xadhiga labada suxufi ayay wariyayaashu sheegeen inay xadhigooda qayb ka ahaayeen shirkadaha Daalo iyo Juba oo iyagu qaaday xujayda Somaliland ee sannadkan xajka tagaya.

Comments are closed