Hargaysa 07.May (SDN) Safiirka Wareega ee Somaliland Ampsator Kayse Cabdilaahi Maxamed ayaa faahfaahin ka bixiyey Maqaal dheer oo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu ku qoray wargeyska Guardian ee ka Soo Baxa Wadanka Ingiriiska kaas oo lagu Daabacay Cadadkiisii Maanta .
Safiirka Wareega ee Somaliland Waxa uu Tilmaamay in Maqaalka uu Madaxweyne Siilaanyo Siiyay Wargaysaka Guardian uu Si Qoto dheer ugaga Hadlay Madax banaanida Somaliland,Qaadacaadii Shirkii Maanta uga furmay Somalia Magaalada London iyo Dhibaatooyinkii Ummada Somaliland ka soo Gaadhay Midnimadii ay la Galeen Somalia 1960kii,Waxa uu Madaxweynuhu Cadeeyay inaanay ka Xumayn Wixii u Soo Kordha dalka Somalia ee aanu Walaalaha Nahay,Waxaanu iftiimiyay in Wax ay Somaliland ka rabto dunnida uu Yahay Aqoonsi Qaranimo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
