|

Saladiinta,Dhalinyarada iyo Waxgaradka Gobalka Togdheer Oo Canbareyay Dowladda Hoose Oo Iibisay Garonka Sheikh Bashiir

11
Hargeisa 31 july 2014  (SDN/QJ) Shir-Jaraid Oo ay Habeenkii Xalay ahaa Magaladda Burco ku qabteen saladiinta,cuqaasha,dhalinyarada iyo waayelka gobalka togdheer ayaa cod midaysan ku Canbareyay dowladda hoose burco oo iibinaysa xarunta basket-bolka sheikh bashiir burco
Shirkani Jaraid ayaa Waxa Goob joog ka ahaa Suldaan Maxamed Muse Cune Oo ka Mid ah Saladiinta Waawayn Ee Gobalka Togdheer,Xoghayaha Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Xisbiga Wadani Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani,Gudomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Wadani Togdheer Aamina Saado,Cuqaal,Dhalinyaro iyo Waliba Dadkii Uu ka Soo Jeeday Halgamaa Sheikh Bashiir.
 Ugu Horraynba Waxa Shirkaasi Jaraid ka Hadlau Axmed Xuseen Buraale Oo
Waxaana ka mid ahaa hadalidisii ” Caawa waxaanu shirkan jaraid u qabanay in aanu canbarayno oo aanu ka hadalno xildhibanadii cusbaa ee aanu soo dooranay oo iibinaya xaruntii kaliya ee ay dhalinyaradda gobalka togdheer ay ku ciyaari jireen kubadda,waxaanu leenahay hadii ay ina muraad iyo xoday ka noqon wayaan talabadaasi waxaanu anaguna qaadaynaa wixii wajibkayaga ah,wixii dhacana anagu kama masuul nihin,Madaxwaynaha waxaan leeyahay madaxwayne qoladii dowladda hoose ina muraad waxa uu noola yimi warqad uu yidhi madaxwaynaha ayaa isoo saxeexay in aan iibiyee anaguna waxaanu Aaminsanahay madaxwayne in aanay sidaasi sharaftaada ahayne,Madaxwayne waxaanu kuu shegaynaa in golihii degaanka burco ay noqdeen shufto dhacaysa umaddi reer burco ee ka soo gaadh ayaanu ku leenahay madaxwayne” Ayuu Yidhi Axmed Xuseen Buraale
C/Raxmaan Cali Oo isaguna ku Hadlayay Afka Ciyaartoyga Gobalka Togdheer Oo isaguna shirkaasi jaraid ka hadlay ayaa Masuliyinta Dowladda hoose burco ku tilmaamay kuwo usoo shaqo tagay dhulkii danta guud oo aan ka Fekerayn horumarkii degmadda burco.
22
Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii ” Anigoo ku hadlaya afka dhalinyaradda ciyaartoyga togdheer waxaanu canbaraynaynaa talada wixiishnimada ah ee ay qadeen maayir muraad iyo ku xigenkiisu Mr Xoday oo aanu leenahay dantiina ayuunbaydun ka Fekerteene tii degmadda kamaydaan fekerin,Maanta dhalinyaradda reer burco waxay haysteen oo kaliya garoonka sheikh bashiir oo ay ku ciyaari jireen kubadda basketbolka waa Nasiib darro in dhalinyaradda laga iibiyo garoonkii ay ku ciyaari jireen,hadii ay taasi dhabowdana hadii aanu nahay dhalinyarada gobalka togdheer oo midaysan waxaanu dhigi donaa mudaharadyo iyo banaanbaxyo waawayn,Hadii aanu nahay dhalinyaradda waxaanu rajo ka qabnay in naloo sameeyo garoono aanu ku ciyaarno lakiin nasiib darro kii kaliya ee aanu ku ciyaari jirnay ayay dowladii hoose iibsanaysaa,Xildhibanadd cusub ee golaha degaanka burco wax alaale iyo wax ay horumarka degmadda ku soo kordhiyeen ma jirto golihii hore ee degaanka ayaa waxqabadii ay ku talabsadeen ayay golaha cusub ee degaanka burco ay imika burush la daba fadhiyaan,hadii aanu nahay dhalinyarada togdheer waxaanu uga digaynaa Maayirka iyo ku Xigenkiisaba inay talabaas dib ugu noqdaan hadii kalana waxaanu leenahay anaga ayaa idin soo dooranaye imika waanu idin ridaynaa” ayuu yidhi C/Raxmaan Cali
22
33
Hargeisa SDN/QJ
Maxamed Qurbe jog
Concat@somalidiasporanews.com

Comments are closed