|

Kulan Magaladda Burco ku Dhex-Maray Beelaha Habar-Magaado iyo Gudomiyaha Garabka Beesha Garxajis Oo Socdaal ku Maraya Gobalada Bariga

habar magaado.jpg
Hargeisa 31 july 2014 (SDN/QJ) iyadoo ay Mudooyinkii u Danbeyayba Gobalada Dalka OO Dhan ay ka socdeen Dhaq dhaqaaq-yada  midowga iyo Aayo ka Tashiga Dhalinyarada Beelaha Habar Magaadle  Oo abaabulkoodu marayaa halkii ugu sareysay iyadoo isla markaasina uu ayaamihii ugu danbeeyey uu socdaal la xidhiidha hawlahaasi iyo abaabulida qabsoomida shirka dhawaanta la filaayo ee ay ku kulmayaan dhalinyarada Beelaha muga weyn ee Habar Magaado Ee Gobaladda dalka Oo Dhami.
 Gudoomiyaha Garabka Beelaha Garxajis Mr.Deeq Cabdilaahi Cawaale ku tagay hawlo shaqo Magaalada Burco isagoo halkaasi kula kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshada Beesha Magaadle ee magaalada burco degan
 waxaanu kulamo wada tashi iyo xog waran ahna la yeeshay haldoorka dhalinyarada Magaadle ee Burco iyo Sidoo kale Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin caana ah iyo Waxgarad
Kulamadan oo ujeedadoodu ahayd sidii uu u qabsoomi lahaa Shirka Dhalinyarada Beelaha Habar Magaado oo dhawaanta la filaayo inuu ka qabsoomo dalka ayaa isagu wax badan ka bedeli doona sidii uu xisbiga kulmiye ugu guuldaraysan lahaa dorashada soo socota.
 Dhinaca kale Xukuumada Silaanyo ayaa si weyn uga sastay dhaqdhaqaaqyadan abaabulan ee ay samaynayaan Dhalinyaradani isku beesha kasoo jeedaa iyadoo la filaayo in ay sabab u noqoto xilka qaadista Masuuliyiin badan oo kasoo jeeda beelaha magaado
Hargeisa SDN/QJ
Maxamed Aadan Qurbe Jog
Concat@somalidiasporanews.com

Comments are closed