Waxaa la yaab leh sida idha adayga ah ee dadka qaar ay u difaacayaan dhaliilaha muuqda ee dadwaynuhu iyo mucaaridku u soo jeediyaan dawladda. Waxaa fiicnaan lahayd in ay waayaha jira ee muuqda wax ku qaadataan oo aay dalka guud ahaan eegaan in cabashadu saamaysay iyo inkale.
Haddaba dhaliisha madaxda Ururka Ummadda iyo Xisbiga UCID ahi ay ku dureen dawladda iyo xisbigeedu (Kulmiye) waata laga wadda qaylinaayo ee duqaydidda xeerbeegtidda ah ee beeluha ay cod dheer kaga soo hor jeesteen ee maaha dareen iyo dhaliil u gaar ah Muddane Jamaal Cali Xuseen iyo Dr Gaboose, bal qabsoo Caruur iyo dumar suuqyadda la soo dhoobay may dhaliilin dawladee, waxaa ka qaylinayaa waa guurtiddii beelaha Somaliland oo saxaafadda hortaagan maalmahan u danbeeyey.
Maxaa kalifay ayaad u malaynaysa in Ceerigaabo iyo Burco gadhcastu ay geedka hoostiisa iskula baxaan oo ay dhaliilaan sida wax loo waddo. Miyeyna xaajo adag ahayn? Maxaa ka dhawaajiyey Suldan Maxamed Suldan Cabdiqaadir ee uu u dhalilay qaybta sanaaduuqda Baligubadle iyo Salaxley, miyeysan ahayn cadaaladdarro muuqata oo ay lug ku ledahay dawladdu iyo xisbiga taladda hayaa? Miyaan shaki lakala dhexgelinayn beelaha iyo degaanadda sibirta isku haya?
Intee in le’eg oo cadaalad daro ah baan dadka shicibka ah u muuqan, laakiin ninka siyaasiga ahi fahmi karo oo aan lagu khaldi karin maydhaamasho iyo shaadh geddi. Xeer samaysi iyo bedeli waa tabta ay dawladdan Kulmiye la kowsatay ee ay dhamacsan tahay in dalka lagu boobo, cidii la rabbana lagu gacan qabto iyadda oo la adeegsanaya awoodda dawladnimo. Waa mid laga arkay debecsanaanta dadka iyo gorad laa laadinta aan aragti dheeri ku jirin.
Haddii Dawladda kulmiye ku faa’iiday boobkii hore ee ayku soo baxeen, in badan oo maanta aan la soconina ku garabsiinaysay, miyeeyna ogayn dawladdu in xeelad kasta la wadda garanaayo, ma halkii uun bay ka waddaa oo ay maanta dhaqaale dawladeed u heshay.
Miyaanay iska cadayn in komishanka doorashooyinku uu doorbiday in dadku fahmo sida ay wax u socdaan, intii ay iska hor iman lahaayeen damaca dawladda oo ay shaqadooda ku waayi lahaayeen waayo waxaa dhaqan gashay in lagu af gobaadso xeer diidayaa ma jiro in sidaa la yeello markaas waxaa meesha taal nin wallow taadda ka raac. Taas oo macnaheedu yahay annagu dawlad yahay sidaadnoo soo yeedhiseen yeelay ee waa idinka iyo dadka haddii laydinka yeelo. Lakiin waa illahay mahaddii haddii taas madax dhaqameedkii dalku la fahmay. Waxaa kale oo meesha ku yaal in haddii la qaadaco doorashaddana aan dawladu belo ku ogayn.
Haddaba ninkii ka mid ah musuqmaasuqa ee difaacaya boobka hantidda qaran laga yeelimaayo doorkan, isagaana ah kawadda dhibta iyo shiddadda dalka oo aan dani ka hayn, doonayana in lagu kala dareero, dhicinamayso waayo waad arkaysa in dadkii indhahoodda ku arkeen in dawladdii illaa Madaxwaynihii uu ku jiro olalihii darashaddo oo ay kalsooniddii ka taagan tahay heer hoose, maadaama ay ku soo fadhi xumaday isbedelkii looga fadhiyey in ay samayso dawladu sidii ayku balanqaday gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha iyo shaqo abuuridda. Haddaba iska daa shaqo ay abuurtoo waxay shaqooyinka ka qaadaan kuwii hore ugu jiray iyadda ay ku bedesha dad qurbaha ka soo noqday oo balan qaadyo ku socda.
Xiliyadda ay wasiiradda qaar ay qurbaha yimaadaan gaar ahaan Debeddaha sida London, waxay huteeladda ay degenyihiin noqdaan meel safloo galo oo mid mid looga qabto araajidda iyo CV- ga dadka shaqadoonka ah ee ay isku sin banana yihiin xubnaha dawladda gaar ahaan gaar ahaan kuwa ka agdhow Madaxtooyadda. Miyeyna ka fiicnaan lahayn in ardayda jaamacaddaha ka soo baxday la siiyo shaqooyinka soo baxa ee ay qaban karan ama loo carbin karo mudda kooban, shaqooyinka dadka qurba joogta loogu balan qaadaayo, qaarkoodna ay shaqo galeenba.
Bal haddaba aynu eegno olalaynta Madaxweynu waxa ay u goyso doorkan xisbiga Kulmiye ee uu madaxweynu dhibaadinaayo iyo kuwa uu sida gaarka ah u naasnuujinaayo ee ayna danta gaar ku kala fogay sida Cabdiraxmaan Cirro oo aan xeer u diidaya jirin adeegsiga hantidda dawladda iyo awoodeedaba.
Mohamoud Arrale
Arrale3@yahoo.com
