Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo bedelay mowqifkiisa ku wejahan Dhuxusha Kismaayo laga dhoofiyo

Muqdisho Nov 16,2012(SDN)-Madaxweynaha Dalka Soomalaiya ayaa bedelay mawqifkiisii hore ee ku wejahnaa dhuxusha laga dhoofiyo ee ay Qaramada Midoobey mamnuucday,dawlada Soomaaliyeedna ay  qudheedu manuucday.

Dhuxusha dhoofinteeda la mamnuucay ayaa inteeda badan laga dhoofin jiray dekedda magaalada Kismaayo oo ay ka arimin jireen kooxda Al Shabaab oo aduun badani uga soo xaroon jireen.

Sadex todobaad ka hor ayuun bay aheyd kolkii uu Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu ku celiyay in aanu qabin in dhuxul laga dhoofiyo dekedda Kismaanyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa iminka sheegay in uu ogol yahay in dhuxusha laga dhoofiyo magaalada Kismaayo.

“Qaramada Midoobey iyo dawlada Soomaaliya waa ay mamnuuceen in dhuxusha Soomaaliya laga dhoofiyo,waxaanuse iminka aqbalay dalab ganacsatada Soomaaliyeed nooga yimi”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

“Waa ay adagtahay in dhuxul dib loogu celiyo dhir,sidoo kale waxa galay waqti iyo lacag aad u faro badan ,markaa waa in la dhoofiyaa,balse lama jari karo dhir hor leh”ayuu yiri madaxweynuhu.

Reer Kismaayo ayaa dhawrkii sano ee Shabaabku ay halkaa ka arimineyeen waxa uu dhaqaalohoodu si weyn ugu tiirsanaa dhoofinta dhuxusha.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com