Ceel Afweyn 28.October 2013 (SDN)- Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland ayaa maanta bilaabay qorshaha lagu calaamadinayo goobta ay ka bilaabi doonaan jidka dheer ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, qeybtiisa loo qoondeeyay in laga bilaabo degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.
Axmed Siciid Godane oo ka mid ah waxgaradka reer Ceel afweyn ee u xilsaaran qaban qaabada dhismaha wadadaas ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in bulshada ku dhaqan degmadiisu ay u diyaar garoobeen sidii ay kalaintooda uga soo bixi lahaayeen, waxaanu yidhi “20-kii km ee jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo ee loo qorsheeyay inay dhisaan reer Ceel Afweyn maanta ayaanu astaynay waanan iska sii bilaabaynaa inta uu imanayo qalabkii lagu dhisayay oo laga soo raray dalka China. Waxaanu diyaar u nahay haddii aanu nahay reer Ceel-afweyn waanu u soo diyaar garownay waxaanan hirgleinta jidkan ka qaadanaynaa qeybta ugu weyn.”
Maareeye Ku xigeenka Wakaaladda horumarinta waddooyinka ayaa sheegay inuu reer Ceel afweyn uga mahad celinayo siday ugu soo baxeen jidkan,isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu ka nimid Magaalada Ceerigaabo oo aanu labaatan maalmood joognay, halkaasi waxaanu ka soo samaynay survey 10 KM ah. Maantana waxaanu ka bilownay Ceel-afweyn Survey 20km ah, waxaad ogtihiin sida xukuumadeenu ugu soo jeedsatay horumarinta waddooyinka. Waa kii madaxweynuhu dhagax dhigay, intii ka dambaysayna dedaalo badan ayaa la sameeyay shacbi iyo xukuumadba xoolo ayaa la isa saaray waana loo wada diyaar garoobay.”
Maareeye Ku xigeenka Wakaaladda horumarinta waddooyinku waxa uu intaas ku daray “Sanadka fooda innagu soo haya ee 2014-ka waxaanu rajaynayaa jidkan inta ugu badani inuu dhamaystirmo. Waxaanan ILAAHAY ka baryaynaa inuu innagu garab galo oo la soo afjaro dhibaatadii waddo xumo ee bulshada gobolka Sanaag haysatay.”
Maayarka Degmada Ceerigaabo Baashe Xandule Warsame oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xukuumadda ku ammaanay juhdiga ay gelisay horumarinta wadooyinka, waxaanu tilmaamay in bulshada ku dhaqan degmada Ceel afweyn ay u diyaar garoobeen inay kaalin weyn ka qaataan hirgelinteeda.
Ceel Afweyn SDN.
Qurbejoog.com
