Muqdisho 28.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Netherlands, Lilianne Ploumen iyo ganacsato ka socday dalkaas.
Madaxweyne Xasan ayaa uga mahad-celiyay wasiirka booqashada ay ku timid Soomaaliya, isagoo sheegay in booqashadeeda ay astaan xooggan u tahay xaaladda ka soo wanaagsanaaneysa ee Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in dalalka Soomaaliya iyo Netherlands ay leeyihiin xiriir xooggan, iyadoo jaaliyad ballaaran oo Soomaali ah ay ku nool yihiin dalkaas.
Wuxuu uga mahad-celiyay dowladda Netherlands dadaallada aan kala go’a lahayn ee ay kaga caawinayso Soomaaliya inay dhibka ka soo baxdo.
Wasiirka waxaa socdaalkeeda Muqdisho ku wehliyay ganacsato u dhashay dalkaas oo ka socda adeegyada badda iyo waaxyaha tamarta si ay kulan ula qaataan wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka iyo Rugta Ganacsiga ee Soomaaliya.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
