|

Sawir Murugo Xambaarsan Oo Dunida Ku Abuuray Qaylo-dhaan Waa Wiil 3 Jir ah oo Maydkiisa la Helay

Ankara 03.Sep 2015 (SDN/QJ)- Sawirka Wiil yar oo saddex sanno jir ah oo Xeebta Turkiga ku soo caaryay ayaa abuuray qaylo dhaan ku aadan siday u xumaatay xaaladda qaxoontiga ee Yurub. Baraha bulshada iyo warbaahinta ayaa si weyn loogu qaadaa dhigay arrintan murugada leh.
1000Warbaahinta ayaa wiilka yar u aqoonsatay in magaciisu yahay Aylan Kurdi, da’diisuna tahay 3 jir, waxaana sidoo kale kula geeriyooday doon la gadoontay walaalkii oo 5 sanno jir ah. Waxay saxaafaddu sheegtay in wiilkan yari ka yimid magaalada Kobane ee waqooyiga Suuriya,halkaasi oo dagaal ku dhex marayo Kooxda ISIS iyo Kurdiyiinta.

1000 (1)Waxa uu wiilkan yari ka mid ahaa dad doon ku safrayay badda oo ku sii jeeday waddanka Giriiga balse ay doontu la degtay. Waxa kale oo ku dhintay 5 caruur iyo haween iskugu jira. Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa badbaadiyay 15 qof, iyagoo sidoo kale adeegsanaya Helicopters ayay raadinayaan 3 qof oo kale oo la layahay.

10372000_907311592676926_4902240565827985160_nSawirka ayaa muujinaya Wiilka yar oo maydkiisu yaalo xeeliga biyaha badda kadib markii uu soo caariday,waxaana qaaday Askari Turki ah. Meesha uu ku soo caariday ayaa ka mid ah goobaha dalxiiska.

10430466_907311626010256_5674694421205495069_nWargeysyada Ingiriiska iyo warbaahinta caalamiga ah ayaa walaac xooggan ka muujisay muuqaalka sawirkan iyo siday aadanimada uga baxsan tahay dhibaatada haysata dadka Yurub beegsanaya ee dhibaatooyinka dagaalka ka yaacaya

Comments are closed